Farmaajo oo Baydhabo ka furaya Shirka Amniga Qaranka

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Shirka Amniga Qaranka ayaa la filayaa in maanta oo Isniin ah uu si rasmi ah uga furmo magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed, ahna xarunta gobolka Baay.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa ayaa shir gudoomin doono kulanka, kaasoo oo ay ka qeyb-galayaan madaxda dowlad goboleedyada, Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo Ra'iisul Wasaare Khayre.

Mudo Labo maalmood ah ayaa la sheegay inuu socon doono shirka, kaasi oo lagu gorfeyn doono arrimo muhiim ah, oo uu kamid yahay qeybsiga Khayraadka dalka. 

Arrimaha amniga iyo sidoo loo sameyn lahaa Ciidamo qaran oo awoodi kara inay mas'uuliyadda amaanka kala wareegaan AMISOM ayaa kamid ah ajandooyinka miiska u saaran madaxda dalka ee ku kulmaya Baydhabo.

Ciidamo gaar ah ayaa la dhigay wadooyinka Baydhabo, gaar ahaan xarunta Madaxtooyadda maamulka Koonfur Galbeed, waxaana dhaq-dhaqaaqa magaalada uu noqon doonaa mid xadidan inta uu socdo kulanka.

Shirkan ayaa ah mid saddexdii biloodba mar la qabto waxaana looga hadlaa amniga guud ee dalka, hannaanka federaalaynta, wadaaga khayraad dalka iyo tayeynta iyo isku dhafka Ciidamada. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM