Farmaajo oo markii ugu horeysay la kulmay Gudoomiyeyaal degmooyin

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay kulan gaar ah la qaatey gudoomiye-yaasha degmooyinka gobolka Banaadir tan iyo markii la doortay bishii Febuary 2017.

Kulanka oo xalay ka dhacay Aqalka Madaxtooyada Villa Soomaaliya, ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, gudoomiyaha gobolka Banaadir, Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo ku xigeenadiisa.

Shirka oo aan wali Villa Soomaaliya wax fahfaahin ah ka bixin ayaa wararka hoose ee Garowe Online uu helayo sheegaya in Madaxweyne Farmaajo kala hadlay Gudoomiyeyaasha sidii wax looga qaban lahaa amni xumada Muqdisho iyo cabashada shacabka.

Howlgallada dadka badan ay Ciidamada kusoo qabtaan ee ka dhaca degmooyinka gobolka iyo wadooyinka inta badan laga xiro shacabka ayaa kamid ah sida aan wararka ku helayno qodobada Farmaajo iyo Mas'uuliyiinta uu la kulmay isla soo qaadeen.

Gudoomiye-yaasha 17-ka ah ee ka kooban gobolka Banaadir ayaa lagu dhaliilay wax qabad la'aan iyo fashil dhanka amniga degmooyinka ay maamulaan, iyadoo hadda ay soo foodsaartay cabsi ku aadan in xilalka laga qaado.

Eng Yariisow ayaa tan iyo markii la magacaabay aan sameynin wax xil ka qaadis ah Gudoomiye-yaasha degmooyinka, oo mas'uuliyiintii isaga ka horeeyay looga bartay in hal mar xilka qaadis ku sameeyaan, islamarkaana magacaabaan kuwa ay iyagu wateen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM