Farmaajo oo meelmarinaya doorasho hal dhinac ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wadahadaladii Villa Soomaaliya uga socday madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo hogaamiyeyaasha maamuladda taabacsan ayaa sii balaartey waxaana ku biirey madax kale oo horleh gaareyna go'aano.

Ra'iisul Wasaare Rooble, Taliyaha sirdoonka, Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo madaxweynaha HirShabelle, Fahad Yaasiin Daahir, Cumar Filish iyo Cali Guudlaawe, ayaa xaadiray shir soo bilowdey shalay duhurkiina soona gaarey xalay saqdii dhexe.

Madaxda kale ee shirka kasoo muuqdey ayaa kala ah; Madaxweyne Farmaajo, iyo hogaamiyeyaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug, Cabdicasiis Laftagareen iyo Axmed Cabdi Kaariye [Qoorqoor].

Sidda ay sheegayaan warar ku dhow Madaxtooyadda Soomaaliya, madaxda oo diiradda saarey khilaafka coddeynta 2020-21 ayaa "isku raacdey qabashadda doorasho hal dhinac ah leyskana dhegatiro baaqyada Puntland, Jubaland iyo Musharaxiinta ee ah xalinta khilaafka jira".

Doorashadaas halka dhinac ah waxaa ka qeybgalaya Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabeelle si lamid ah waxaa wehlisa tan gobolada waqooyi oo ka dhaceysa Muqdisho.

Rooble iyo Qoorqoor oo qabtay shir jaraa'id oo aan wali la baahin ayaa shaaciyey in doorashooyinka ay waqtigooda ugu dhacaan "si la isla ogol-yahay".

Qoorqoor oo xusay in uu madaxda uu la kulmay la wadaagay fariinta uu ka sidday madaxdii uu Garowe kula kulmay isla markaana uu u gudbiyey fariin kale isla markaana aysan jawaab rasmi ah ka helin.

Dhawaqa madaxweynaha Galmudug oo u kala dab-qaadaya Villa Soomaaliya iyo madaxda maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa la macno ah in uu ku fashilmay xalkii uu u goobayey qodobadda lagu hayo ee ku xeeran doorashooyinka oo kala ah; ciidanka la geeyay gobolka Gedo, guddiyadda lagu muransan yahay ee doorashooyinka iyo xulista wakiiladda Somaliland.

Natiijo la'aanta muuqaneysa in ay kusoo dhamaatay dedaaladii ugu dambeeyay ee xalka looga guubayay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya ayaa xoojinaha cabsida laga qabo in dalka uusan si nabad ah uga bixin mar-xaladda kala guurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM