Farmaajo oo qaadey talaabo u xanbaartay cadaadis dheeriya

Image
Madaxweynaha waqtigu ka dhacay ayaa dharbaaxo adag kala kulmay guddiga uu u saarey baaritaanka kiiska Ikraan.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Farmaajo ayaa dharbaaxo kulul kala kulmay talaabada uu guddiga ugu magacaabay baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil Faarax ee lagu tuhunsan yahay hay’adda sirdoonka qaranka.

Qoyska haweenaydan ka tirsan hay’adda mukhaabaraadka dalka ayaa sheegay in aysan ku qanacsaneyn waxaana ay ka digeen isku-day kasta oo lagu hor-istaagayo cadaaladda.

"Kuma qanacsanin, mana aqbali doonno guddiga uu  madaxweyne Farmaajo u xil-saaray baritaanka kiiska Ikraan, waxaan ku qanacsanahay maxkamadda ciidamada oo aan horay ugu gudbinay dacwadda kiiska gabadheyda," ayay tiri Qaali Maxamuud, oo ah hooyada dhashay Ikraan.

Qaali ayaa raacisay: "Hadii is hortaagaan uu ka waantoobi waayo waxaan Madaxweynaha ka gudbineynaa dacwad, dal iyo dibadna waan ka dacwey doonaa Farmaajo".

Madaxweynihii hore ee HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa "ila-meereyso" iyo "carqaladeyn ka dhan ah cadaalada" ku sifeeyay guddiga uu Farmaajo u saarey baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil Faarax ee lagu tuhunsan yahay hogaanka hay'ada sirdoonka Soomaaliya.

Musharax madaxwayne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa talaabada Farmaajo la barbardhigay halheyska caan-baxay ee "Kii la raacshay ayaa lunsaday".

"Warqadaan wax kale maaha ee waxaa gabbaad looga dhigayaa kuwii danbiga galay," ayuu hadalkiisa intaas sii raaciyey.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa Facebook-giisa ku daabacay " Duqa Farmaajo ah marka Villada laga bixiyo ayaa doorasho xalaal ah iyo Ikraan oo cadaalad hesha u horeysa!".

Kiiska Ikraan Tahliil oo u muuqda mid noqdey heer qaran iyo mid caalami ayaa saameyn ku yeelan doona ololaha doorashooyinka madaxtinimada Soomaaliya si gaar ah wuxuu u geli doonaa daaqadda cadaaladda iyo in qof walba uusan sharciga ka sareyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM