Farmaajo oo sheegay inuu hoos u dhigay Musuq-maasuqa [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Khudbad ka jeediyay Dibadbax lasoo abaabulay, oo loogu dabaal-degayay 100-kii Malamood ee uu Xafiiska joogay.

Banaanbaxa waxaa ka qeybgalay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, Wasiirro,  Xildhibaanno, Saraakiil ciidan, Gudoomiyaha gobolka Banaadir, iyo shacab ka kala yimid 17-ka degmo ee magaalada Muqdishu.

Madaxweyne Farmaajo oo arrimo badan ka hadlay ayaa mar kale ku celiyey baaqa ah in dhallinyarada Soomaaliyeed ee aaminsan fikirka Al-shabaab ay dowladda kusoo biiraan, kana tanaasulaan afkaarta xagjiriinta.

Farmaajo ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ka baxayaan dalka Somalia, haddii Al shabaab dagaalka ka joojiyaan dowladdiisa, islamarkaana hubka dhigaan.

Waxyaabaha kale ee uu ku faanay Farmaajo inuu qabtey waxaa kamid ah inuu la dagaalamay Musuq-maasuqa hoos u dhigay dalka, islamarkaana uu bixiyay mudadii uu Xafiiska joogay Mushaarka Ciidanka.

Dhanka Cadaaladda ayuu sheegay inuu ka shaqeyn doono 3-da Bilood ee soo socota.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in Askari kasta oo ka tirsan Ciidamada dowladda Federaalka Somalia, oo waxyeello u geysta Shacabka la geynayo Tiirka, lana toogan doono.

Howlgalka Xasilinta Caasumadda ayuu sheegay in wax badan looga qabtey Xaaladda amni darro ee Muqdishu, wuxuuna ugu baaqay Shacabka inay la shaqeeyaan Hay'adaha amniga loo xilsaarey.

Dhanka kale, Mudadii 100-ka maalmood ee uu Farmaajo Villa Somalia joogay sameeyay Xilka-ka qaadis iyo magacaabis badan, wuxuuna sameeyay 10 safar oo dibadda ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM