Farmaajo oo u safray dalka Sucuudiga

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran, oo uu hogaaminayo ayaa saaka u ambabaxay magaalada Riyadh, ee caasumadda dalka Sacuudiga.

Madaxweyne Farmaajo oo ay wehliyaan xubno katirsan Labada Golle ee dowladda, ayaa ka qeybgalaya Shirka Dalalka Muslim-ka iyo Mareykanka oo saacadaha soo socda ka furmayo magaalada Riyadh.

Boqorka dalka Sacuudiga Salman Bin Cabdicasiis ayaa ku casuumay Farmaajo Shirka, si hogaamiyaasha ka qeybgalaya u siiyo Warbixin ku aadan Xaalada dalka Somalia, gaar ahaan amniga iyo bini'aadanimada.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu Kulan gaar ah la qaadan doono maanta Donald Trump inta uu socdo Shirka, oo kawada hadli doono dagaalka ka dhanka Al shabaab.

In ka badan 50 hogaamiye, ayaa lagu casuumay Shirka Riyadh, oo socon doono mudo labo maalmood ah, kaasi oo la filayo in diirada lagu saaro xiriirka maamulka cusub ee Trump iyo dalalka Muslim-ka ah.

Ajandooyinka Shirka lagu gorfeyn doono, waxaa kamid ah Argagaxisada, Xagjirnimada iyo mamnuucida uu Trump ka mamnuucay shacabka Lix wadan oo Muslim ah inay galaan dalka Mareykanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM