​Farogalin lagu sameeyay liiska 135-tii Oday Dhaqameed [Akhriso]

Image

MUQDISHU, Somalia- Qaar kamid ah madaxda madasha wadatashiga Qaran ee Somalia ayaa farogalin toos ah ku sameeyay liiskii Odoyaashii loo xilsaaray soo xulista Xildhibaanada imaan doona dabayaashada sannadkan, waxaana lagu siyaadiyay hal xubin.

Xubintan ayaa wararku sheegayaan in ku daristeeda ka dambeeyay madaxweynaha dowladda Federalka Somalia Xasan Sheekh Maxamud kaasoo ugu danaynayo ninka ay aad isugu dhow yihiin ee Faarax Sheekh Cabdulqaadir kaasoo booskaasi kula loolamayo mudane kale oo katirsan Beesha reer aw-Xasan oo lagu magacaabo Fahad Yaasiin.

Loollanka labada siyaasi ayaa muddo laga dareemayay magaalada Muqdishu, waxaana ku xoog batay Fahad taasoo qiil qiil galisay inuu booska Xildhibaanimada helo Faarax Cabdulqaadir, waxaana taasi keentay in waraaq toos ah loo qoro Guddiga hirgalinta doorashada dadbadan oo ay madax ka yihiin rag uu keensaday madaxweynaha xilku ka dhammaanayo Xasan Sheekh Maxamud.

Waraaq ayaa lagu caddeeyay in lasoo magacaabay Nabadoon beeshaasi yeelato si loo kala qaybiyo shaqadii uu qaban lahaa Suldaanka reer aw-Xasan, waxaana guddiga loo caddeeyay in arrintani ku timi wadatashi ay yeesheen madaxda madasha.

Si meesha looga saaro Fahad ayaa madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu soo magacaabay Nabadoon Cusub oo beeshaasi yeelanayso kaasoo lagu magacaabo Maxamed Axmed Xuseen (Shukri), kaasoo laga dhigay Guddoomiyaha Guddiga Dhaqanka Beesha reer aw-Xasan ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, waxaan loo xilsaaray inuu hogaamiyo howlaha iyo xilalka la xiriira doorashada Kursiga beeshaasi ee labadasi gobol.

Waxaa xusid mudan in howshan uu iska lahaa Suldaan Maxamed Cabdi Cumar oo ah duubka beesha reer aw-Xasan, waxaana shaqadiisii lagu koobay inuu hogaamiyo howlaha iyo xilalka la xiriira doorashada ee Baydhabo ee maamulka Koonfur Galbeed Somalia.

Waraaqdan oo uu ku saxiixanyahay Guddoomiyaha Barlamanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa timi xilli walaac laga muujinayay in dalka doorasho ka dhacdo waqtigii lagu hishiiyay, waxaana faragalin toos ah lagu sameeyay dhammaan qorshayaashii hore iyadoo warar hoose sheegayaan in la lalaayo Aqalka sare halka gabi ahaan meesha laga saarayo 51-dii qof ee loo igmaday inay soo xulaan Xildhibaanada.

Arrintan waxaa durba ka horyimid Axsaabta siyaasadda ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdishu, waxaana qoraal ay soo saareen ku dhaleeceeyeen farogalinta qaawan ee ay wadaan madaxda waqtigu ka dhammaaday kuwaasoo raadinaya in qorshe ay mar kale talada dalka ugu soo laaban karaan.

Madasha xisbiyada ayaa sheegay inaysan aqoonsan doonin nabadoonka Cusub waxayna beesha caalamka usoo jeediyeen iyo dhammaan madaxda dalka in Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble uu yahay ugaaska beesha Xawaadle, waxayna 135 Oday dhaqameed ugu baaqeen inaysan raali ka noqon daciifin dhexdooda lagu sameeyo taasoo keeni karta inaysan waddanka ka dhici doorasho Xaalaal ah.

Xubnaha soo saaray soo bayaanka kore islamarkaana kasoo horjeestay Nabadoonka la magacaabay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya oo Qarka u Saaran Burbur Gudaha ah

Hay’adda oo uu hadda hoggaamiyo Cabdullaahi Maxamed Cali “Sanbalooshe” ayaa…

  • Soomaliya

    25-05-2025

  • 11:48PM

Cali Balcad: Madaxweynaha wuxuu shir la yeelan doonaa madaxdii hore ee dalka

Shirkan ayaa loo arkaa mid fure u noqon kara yareynta kala fogaanshaha siyaasadeed iyo dhisidda hannaan loo dhan yahay oo lagu wajahayo marxaladda kala guurka ah.

  • Soomaliya

    25-05-2025

  • 11:19AM