Farole oo la kulmay Jaaliyadda Somalida ee dalka Imaaraadka

Image

DUBAI- Murashax madaxweynaha Dalka Somalia Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Farole, ayaa xalay xaflad heer sare oo soo dhaweyn ah loogu sameeyay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, waxaan kulankaasi kasoo qayb galay siyaasiyiin iyo dadweyne kala duwan kuwaas oo muujiyay siday ugu faraxsanyihiin murashaxnimada Farole.

Xaflada soo dhaweynta oo lagu qabtay Hotel Radison Blue ee magaalada Dubai, waxaana ka hadlay xubno kala duwan oo haween ku jireen, waxayna sheegeen in Somalia u baahantahay is-badal iyo shakhsi ka saari kara dhibka waddanka ka jira, waxayna murashax Farole ku dhiiri galiyeen inuu sii wado dadaalkiisa ku aadan hogaaminta dalka.

Farole ayaa goor sii horraysay maalintii Talaadada ee lasoo dhaaafay kulan la qaatay Ra'isal wasaare Sharmake, waxayna ka wada hadleen arrimaha Somalia.

Soo dhaweynta Imaaraadka ee madaxweynihii hore Puntland, ayaa imaanaysa xilli dhawaan jaaliyadda dalka Australia xaflado kala duwan u qabteen murashaxan oo ay sheegeen inuu leedahay awood hogamineed iyagoo tilmaamay inuu yahay shakhsi ku dayasho mudan.

Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Farole, ayaa olalihiisa siyaasadeed ee Somalia si xowli ah uga socdaan dalka dibadiisa, waxaana la filayaa inuu dhawaan soo gaaro dalka, waxaana waddanka laga dareemayaa loollanka loogu jiro doorashada dhacaysa dabayaaqada sannadka 2016.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hal sabab oo loo qaban waayay doorashadda gudoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli siyaasiyiinta mucaaradka ee deegaanada Koonfur Galbeed ay si adag u gacan-seyreen natiijadii hordhaca ahayd.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 12:29PM

Beesha Caalamka oo diiday doorasho hal dhinac ah oo ka dhacda Soomaaliya

Kulankan oo dhacay maalintii Isniinta ayaa waxaa fool-ka-fool uga qeyb galay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan mucaaradka.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 09:04AM