​Farole oo la kulmay Wakiilka Cusub ee Midowga Yurub

Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya- Madaxweynahii hore ee Puntland Cabdiraxman Farole ahna musharax u taagan xilka madaxweynaha Federaalka ayaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kula kulmay wakiilka cusub Midowga Yurub u qaabilsan Somalia Veronique Lorenzo.

Wararka warsidaha Garowe Online kulankaas ka helayo,  ayaa sheegaya in looga hadlay arrimaha Somalia gaar ahaan doorashada guddoomiyaha aqalka sare, madaxweynaha Somalia iyo sida waddamada Midowga Yurub uga qayb qaadan lahaayeen abaaraha ka taagan waddanka ka jira.

Labada mas'uul ayaa si qoto dheer uga hadlay dadaallada socda iyo sidii dalka Somalia uga dhici lahayd doorasho xalaal ah, waxaan wakiilka Midowga Yurub ayaa sheegtay in wixii dadaal ah ka gaysan doonaan.

Abaarta ayay si adag uga hadleen, waxayna isku raaceen in loo baahanyahay gurmad deg deg ah oo lala gaaro dadka iyo duunyada abaaruhu saameeyeen, kuwaasoo ay xuseen inaysan dhibka jira waqti badan kusii jiri karin.

Dhan kale Murashaxa Farole, ayaa la kulmay wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Kenya iyo Jabuuti, waxayna kawada hadleen arrimo ku aadan doorashada Somalia.

Kulamadan, ayaa kusoo aadaya xilli Farole halkaas u joogo arrimo ku aadan loollankiisa murashaxnimo iyadoo la filayo inuu maalmaha soo aadan u gudbo caasumadda dalka Somalia ee Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM