Farqiga go'aanada Farmaajo iyo Rooble ee kiiska Ikraan

Image
Madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta ayaa caddeeyay in ay laba mowqif ka kala haystan qadiyadan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Farqiga u dhaxeeya go'aanada Farmaajo iyo Rooble ee kiiska Ikraan Tahliil "waa in mid uu saaxiibkiis kala weynaadey xuquuqda muwaadin kan kale uu difaacay xuquuqdaas," sida uu sheegay musharax madaxwayne.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbiga Wadajir oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa shaqsiga ah ee Facebook-ga ayaa cod dheer ku caddeeyay in ay garab-taagan yihiin Rooble.

"Farmaajo maanta wuxuu caddeystay arrin la wada ogaa oo ah in saaxiibkiis Fahad uu kala waynyahay xuquuqda muwaadinka, dastuurka iyo danta qaranka" ayuu ku bilaabay qoraalka.

Wuxuu intaas ku daray: "Marna sooma qaadin gabadhii la afduubay ee la dilay balse wuxuu Raysalwasaaraha kula dooday maxay kaga duwan tahay dadka maalin walba dhimanaya?"

Go'aanada Farmaajo ayuu ku sifeeyay laba midkood;" in uu Fahad la ogaa afduubka iyo dilka Ikraan, ama uu ka arradanyahay damiir masuuliyadeed, damqasho waalidnimo iyo dan qaran".

"Go’aanada Rooble iyo Farmaajo waxay ku kala duwan yihiin, midna caddaaladda ayuu u hiiliyey, xuquuqda muwaadinka buu ilaaliyey, damiirkiisana waa u nadiif, halka kan kale uu caddaaladdii hor istaagay, xuquuqdii muwaadinka ku tuntay, damiir gubanaya saaxiibkiis ku difaacay," ayuu raaciyey.

Wuxuu kusoo xiray: "Siyaasiyiinta, ciidanka, madaxda dowlad goboleedyada iyo shacabkaba labada go’aan kii ay taageeraan ayaa taariikhda loogu diiwaan gelinayaa. Waa hubaa in uu xaqa guulaysanayo ee noqo kii garab istaaga".

Kiiska Ikraan Tahliil ayaa u muuqanaya mid xasaasiyadiisa ay cirka isku sii shareertay. Lama saadaalin karo darafka guusha qaadanaya dhinacyadda haatan isku haya. Balse, xaqiiqadda meesha taala waxay tahay in muhiim ay tahay sareynta sharciga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM