​Fatahaad uu sameeyay Wabiga Shabeelle oo la hakiyay

Image

JOWHAR, Somalia- Maamulka gobolka Shabeellaha dhexe oo kaashanaya shacabka ayaa ku guulaystay inay hakiyaan fatahaad uu sameeyay Wabiga Shabeelle kadib biyo xireenno ay ka sameeyeen qaybo kamid ah deegaanada gobolkaasi.

Sida uu xaqiijiyay mid kamid ah mas'uuliyiinta gobolka, waxaa biyo xireenka laga sameeyay ilaa dhowr goobood isagoo intaasi ku daray inaysan suuro gasheen haddii aan la helin bulsho diyaar u ah ka hortagista masiibo ka dhalan lahayd.

“Fatahaadda wabigu sameeyay wan ka hortagnay mana geysan fatahaaddaasi Khasaare ka badan dalagyo uu baabi’yay, waxaana rajeyneynaa in ay hoos u dhacaan biyaha korshubka ah ee wabigu wado,” Ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Shabeellaha dhexe ee dhinaca amniga iyo siyaasadda Abshir Caddoow Hiraabe.

Wuxuu intaasi ku daray in xaaladda wabigu iminka dagantahay islamarkaana laga hortagay cabsi iyo walaac ay muujinayeen dadka degmadaasi ku nool.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday amniga gobolka Shebeellaha dhexe oo sheegay inuu yahay mid aad u wanaagsan, wuxuuna xusay inay sugidda amniga iska kaashanayaan laamaha ammaanka iyo shacabka gobolka Shabeellaha dhexe.

Shirka maamul u samaynta gobolka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayuu sheegay Hiraabe inuu furmi doono todobaadka soo socda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maraykanka oo Sheegay In Uusan Wadahadallo Kula Jirin Somaliland Si Loo Aqoonsado

Madaxweyne Trump ayaa dhawaan mar kale muujiyay xiisaha uu u qabo arrimaha amniga ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-08-2025

  • 05:02PM

Kenya oo Dhex-dhexaadinaysa Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe

Khilaafkan siyaasadeed wuxuu imaanayaa xilli uu muran xooggan ka taagan yahay wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    28-08-2025

  • 01:02PM