Fekradaha u jaran-jeera Al-Shabaab oo dib uga curtay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaliya – Xilli waqtiga doorashooyinka 2020-21 soo dhowaadeen lagana cabsi qabo in Islaamiyiinta ay saameyn ku yeeshaan, fekraha u jaranjeera dhanka Al-Shabaab ayaa muuqaneysa in ay dib uga curteen Muqdisho.
October, 11, 2020, Xuseen Cali Cilmi, oo sheegtay in uu yahay gudoomiyaha Xisbiga Taageereyaasha Mahdiga ayaa wareysi uu siiyey Radio Kulmiye wuxuu ku tibaaxay in uu heshiisiinayo dowlada iyo maleyshiyaadka.

Cilmi oo xisbigiisa uusan diiwaan-gelin rasmi ah ka haysan Guddiga Doorashooyinka Qaran ayaa weerar afka ah ku qaadey Mareykanka, isagoo tilmaamay in uu xiriir toos ah la sameeyay xoogaga hubeysan.
Madaxweyne Farmaajo, waaxda arrimaha dibadda Mareykanka iyo Dowladda Turkiga ayuu wariyey in ay u direen warqad ay kaga codsanayaan "in lasoo gabagabeeyo dagaalka, lana heshiisiiyo si guud Muslimiinta".

Balse wuxuu ku guuldareystay in uu soo bandhigo caddeymo xoojinaya sheegashooyinkiisa. Si lamid ah, wuxuu ku haftay in uu si toos ah uga jawaabo su'aallo ay kamid yihiin in ay la safan yihiin kooxda argagixisada.

Lama ogga goobta uu ku sugan yahay shaqsigan oo codkiisa si faseex ah loo baahiyey, hay'adda wareysatayna lama wadaagin dadweynaha.

Isla bishan October, 15-keeda, Abuukar Cumar Cadaani, ganacsade caan ka ah Muqdisho iyo mid kamid ah Aas-Aasayaashii Midowgii Maxakiimta isla markaana 2006-kii ka ahaa Madaxa Maaliyada, ayaa taageeray Al-Shabaab.

Cadaani oo u waramay barnaamijka caweysnimo ee Xog-Wareysi kana baxa isla Raadiya Kulmiye wuxuu si aan leex-leexad lahayn ugu sacabo tumay fekerka xulafada Al-Shabaab iyo beegsigooda ciidamada shisheeye.

Ciidamadda sirdoonka Soomaaliya ayaa maalin kadib xiray Cadaani. Warar soo baxaya waxay sheegayaan in dib laga sii daayey ganacsadahaan.
Cabdullaahi Cadow Kulmiye, wariyihii wareystay ganacsadaha, ayay ciidamadda NISA kala baxeen gurigiisa habeen saq dhexe 17-kii October, 2020.

Dowladda Soomaaliya ayaan wali fahfaahin ka bixin xariga shaqsiyaadkan iyaddoo ay xusid mudan tahay in aysan soo hadal-qaadin Xuseen Cali Cilmi.
Arrimahan ayaa imaanaya xilli Muqdisho uu xabsi guri ku yahay Xasan Daahir Aweys, mid kamida aas-aasayaashii Midowgii Maxaakiimta, Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab kaasoo si maalinle ah baraha bulshada ugu taageera xagjirnimada.

Aweys ayaa gacansaar fiican wuxuu kala dhaxeeyaa Fahad Yaasiin Daahir, taliyaha sirdoonka Soomaaliya iyo wariyihii hore ee Al Jazeera Carabiya kaasoo waayahiisa saxaafada looga bartay la kulanka hogaanka ururada argagixisadda ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM