Fiqi: Farmaajo wuxuu fasaxay in la daadiyo dhiiga dadka

Image
Wasiirkii hore ee amniga Galmudug ayaa naqdiyay wareegtada Farmaajo ee mamnuucida kireynta dhulalka danta guud.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtigu ka dhacay Farmaajo xaq uma lahan in uu ka hadlo dhul isaga oo fasaxay daadinta dhiiga, sida uu maanta shaaca ka dhigay Axmed Macalin Fiqi.

Wasiirkii hore ee amniga Galmudug ayaa dhawaqan ka dhawaajiyey xilli Farmaajo uu xalay sharci darro ka dhigay iibinta, kireynta ama maalgashiga dhulalka danta guud ah.

Sida laga soo xigtey Fiqi, kahor inta uusan hadlin dhul-boobka Farmaajo waa in uu ka jawaabo su'aallaha ku gadaaman talaabooyinka uu ka qaadey Galmudug iyo meelo kamid ah waddanka.

"Oday Farmaajo dhulka xeer ayuu ka soo saaray waana arrin fiican laakin dhiigga dadka ee uu fasaxay in la daadiyo ayadoo la adeegsanayo ciidamadii qaranku wada lahaa see laga yeelayaa?," ayuu yiri.

Fiqi ayaa ku daray: "Mase og yahay ama la socdaa dadka iyo dhulka dawladda midka qiimo badan!? Asagoo dad ka badan 200 qof dhimashadooda iyo dhaawacooda oo ciidamada qaranka iyo saraakiishoodu ay ku jiraan sabab u ahaa maantay in uu dhul dawlo wareegto ka soo saaro sow ruwaayadii dal baan ka tagayaa ee dad kama tagayo ee aan kol hore daawanayey dib nooguma daarin!?".

Ku dhowaad 100 qof ayaa la sheegay in ay ku nafwaayeen dagaalo maalmihii lasoo dhaafay k dhacay Guriceel halkaasoo ay fooda isku dareen ciidamadda Galmudug iyo kuwa Ahlu Sunna.

Dagaalkaas ayaa soo gabagaboobay iyadda oo shacabku yihiin kuwa ugu badan ee waxyeeladda soo gaartey gaar ahaan barakac, burbur guryo, saameyn dhanka maskaxda iyo dhaqaalaha ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM