Fiqi iyo Odowaa oo safar qarsoodi ah ku tagey dalka Masar - XOG

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa gaaray dalka Masar, safar aan horey loo shaacin, oo lagu xoojinayo xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal iyo ka wada shaqeynta amniga gobolka.

Ilo wareedyo dowladeed ayaa sheegay in booqashada ay qeyb ka tahay qorshe Masar u dejisay in ay ciidamo keento Soomaaliya, si ay uga qaybqaadato howlgallada nabad ilaalinta ee AUSSOM, oo ah hawlgal ka socda Soomaaliya balse ku jira xaalad dhaqaale oo liidata.

Masar ayaa xiisad siyaasadeed ka taagan Itoobiya sababtoo ah biyo-xireenka webiga Nile-ka, taas oo abuurtay khilaaf u dhexeeya labada dal ee ku saabsan qaybsiga biyaha webiga.

Tallaabada Masar ee ciidamo ku keenayso Soomaaliya ayaa la falanqeynayaa in ay qeyb ka tahay istiraatiijiyad ka dhan ah saameynta Itoobiya ee gobolka, Ilo wareedyo dowladeed ayaa sheegay in booqashada ay qeyb ka tahay qorshe Masar u dejisay in ay ciidamo keento Soomaaliya.

Ilo wareedyo dowladeed ayaa sheegay in booqashada ay qeyb ka tahay qorshe Masar u dejisay in ay ciidamo keento Soomaaliyaisla markaana lagu xoojinayo joogitaanka militari ee Masar ee Geeska Afrika.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa la sheegay in safarkiisa uu diiradda saarayo “xoojinta iskaashiga militari iyo tababarka ciidamada Soomaaliya, kor u qaadida awoodda difaaca dalka, iyo sidii loo sii xoojin lahaa nabadgelyada gobolka.”

Ilo ku dhow safarka ayaa intaa ku daray in ciidamo Masar laga filayo in ay gaaraan Soomaaliya dhawaan, iyadoo qayb ahaan loogu talagalay in ay ka caawiyaan tababaridda ciidamada iyo ka qeybqaadashada howlgalka AUSSOM, kaas oo hadda wajahaya caqabado dhaqaale iyo agab yari.

Falanqeeyayaasha siyaasadda gobolka ayaa tilmaamaya in talaabada Masar ay sidoo kale ku lug leedahay qorshayaal istiraatiijiyadeed oo ka dhan ah Ethiopia, isla markaana ay kor u qaadeyso saameynta Masar ee arrimaha amniga iyo biyaha ee Geeska Afrika.

Waxaa la filayaa in booqashada Wasiirka Gaashaandhigga ay keento heshiisyo cusub oo ku saabsan iskaashiga militari, tababarada ciidamada, iyo ka qeybqaadashada howlgallada nabad ilaalinta ee caalamiga ah, iyadoo ay sidoo kale xoogga saari doonto ilaalinta danaha Masar iyo Soomaaliya ee gobolka.

Xasan Sheekh ayaa August 2025 heshiis difaaca iyo amniga la galay Al-Siisi, kaasoo Masar u ogolaanaya inay Ciidan keento Soomaaliya, islamarkaana saldhigyo militeri dalka ka dhisato.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo Kismaayo ku qaabilay Safiirka Maraykanka

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubaland iyo Wasiirka Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga ah.

  • Soomaliya

    01-12-2025

  • 01:36PM

Galmudug oo Diiday Wakiilo xisbiga Xasan Sheekh JSP u magacaabay Gaalkacyo iyo Cadaado

Xisbiga uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay xubno ka yihiin mas’uuliyiin heer sare ah.

  • Soomaliya

    01-12-2025

  • 11:28AM