Fowziya Abiikar oo eedeyn culus u jeedisay Wasiiro iyo Xildhibaano

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka caafimaadka dowlada Soomaaliya, Fowziya Abiikar Nuur, ayaa Arbacada maanta ah waxay eedeysay in madax isugu jirta xubno kamid ah Golaha Xukuumadda iyo Baarlamaanka federaalka.

Wallow aysan soo bandhigin magacyo, Fowziya ayaa daaha ka rogtay in Wasiiro iyo Xildhibaano ay ku cadaadiyaan in ka maareyso kharashka isbitaalka Turkiga maamulo ee Muqdisho marka qof ehelkooda ah xanuunsado.

Sidda laga soo xigtay Fowziya, mas'uuliyiintaas ayaa kalka hore iyagoo aan la tashan wasaaradda taga isbitaalka isla markaana xubnaha qoyskooda seexiya qeybta ugu qaalisan Isbitaalka Recep Tayib Erdogan ee Muqdisho.

"Turkida waxay ku leeyihiin hadii uu wasiir ama Xildhibaan yahay muu iska bixiyo, maxaa yeelay waxay moodaan wasiiradooda ama Xildhibaanadooda oo kale," ayay ka sheegtay munaasabad maanta ka dhacdey caasimadda.

Munaasabadaas waxaa xilka kula wareegay wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka, Dr. Axmed Xuessin Macalim kaasoo bedelay Maxamed Saciid Cabdullaahi oo iska dhex-waayey liiska golaha wasiiradda cusub.

"Caqabadaha iyo dacwadaha na haysto wax laga sheekeyn karo ma ahan," ayay ku dartay, iyaddoo intaas sii raacisay "Ma sahlana, qof kasta wuxuu rabaa in hadii uu iska bixin karo iyo hadii uusan iska bixin karin in loo cafiyo".

Inkasta oo ay xustay in isbitaalka ay kula jiraan heshiis xeerinaya in tirro cayamin ay si bilaash ah ugu daaweeyaan, haddana waxay ku adkeystay in loogu talogalay dadka masaakiinta ah ee xaaladaha adag ay soo wajahdo.

Kadib markii ay ku gacan-seyrtay dalabkooda, sharci-dejiyeyaasha qaarkood ayay carabka ku dhufatay in ay ugu hanjabeen kula dagaalami doonan baarlamaanka.

"Baarlamaanka ayaan kula dagaalameynaa macnaheedu waxaa waaye sharcigii daawada in la hagaajiyaa la diidan yahay," ayay warisay, iyadoo ku dartey "Hal shey markaa taawatid nin walba 15 Xildhibaan ayuu leeyahay".

Fowziya oo hadalkeeda sii wadata ayaa ka shanqarisay in ay dhowaan u yimaadeen mudaneyaal doonaya in wasaaradda siiso daawooyin ay geeyaan degaanadooda si ay ugu galaan ololaha doorashada soo aadan.

"Maxaa yeelay waxay rabaan in ay isku soo sawiraan maadaama doorasho soo dhowdahay," ayay hoosta ka xariiqdey. "War hadaad doorasho galeyso maad suuqa kasoo iibsatay, wasaaradda murashax ma ahanee".

Qaar kamid ah mas'uuliyiinta Soomaaliya ayaa aalaaba jagooyinka ay hayaan waxay isku dayaan in ay uga faa'iideystaan danahooda shaqsiga iyo tan dadka ku hareereysan taasoo meesha ka saareysa metelaada dalka oo dhan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM