Gaadiid rayid oo lagu qafaashay gobolka Hiiraan

Image

BELEDWAYNE, HirShabelle – Laba gaari rakaab ah ayna la socdeen dhowr qof oo shacab ah ayaa lagu waramay in lagu qafaashay degaanka Ceel-gaal ee duleedka magaaladda gobolka Hiiraan ee Beledwayne.

Ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa afduubka. Balse, waxaa loo maleynayaa in ay la xiriirto aargoosi maadaama horaantii bishaan gaadiid shacab la socdeen madax furasho lagu sii daayey.

Baabuurtaas madax furashadda laga dhiibay ayaa la sheegay in ay maleyshiyo hubeysan ku qafaasheen magaalada Matabaan.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan afduubkan oo illaa haatan kasoo baxay maamulka HirShabelle iyo kan gobolka Hiiraan.

Dhanka kale, ciidamadda dowladda iyo maleyshiyada Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay xalay ku dagaalameen duleedka magaaladda Matabaan. Ma cadda khasaaraha ka dhashay iska hor-imaadka xoogan.

Dadka degaanka ayaa soo wariyey in ay maqleen dhawaqa rasaas culus oo dhinacyadda is-weedaarsadeen balse aysan hubin waxyeeladda labada dhinac – oo dhankooda wali warbixin ka soo saarin dagaalka.

HirSabelle oo ay kusoo wajahan yihiin doorashooyinka xubnaha labadda aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa u muuqaneysa mid wajaheysa qalalaase dhanka ammaanka taas oo dhaawaci karta amniga codeynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Wajahaysa Marxalad Xasaasi ah iyadoo aan Laheyn Waddo Cad oo Doorashada ah

Arrintan ayaa sare u qaadday walaaca laga qabo xasilloonida siyaasadeed iyo kala-guurka dimoqraadiyadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-06-2025

  • 02:53PM

Xasan Sheekh oo casuumad rasmi ah u diray siyaasiyiinta mucaaradka

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa la sheegay in ka caga-jiidayaan ka qeybgalka kulanka, maadaama ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubaland.

  • Soomaliya

    05-06-2025

  • 09:33AM