​Gaadiidlay Muqdishu oo shaqo joojin sameeyay

Image

MUQDISHU, Somalia- Gaadiidleyda ka shaqeeysa gudaha Muqdishu, ayaa sameeyay maanta shaqo joojin kadib markii lagu soo rogay Lacag badan oo lagu tilmaamay inay tahay Caymiska Gaadiidkooda.

Maxa'ed Rashiid Maye Aadan, ku xigeenka Gudoomiyaha Iskaashatada Gaadiidleyda Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Shirkad lagu magacaabo Takaful, oo caymiska ka shaqeysa ay ka dambaysay lacagta cabashada keentay ee laga qaadayo.

Wuxuu sheegay in Wasaarada Gaadiidka DFS iyo Shirka Takaful ay ku heshiiyeen in Gaari kasta oo BL ah oo ka howlgala Muqdishu laga qaado $62.5 Saddexdii Bilood mar, midkii bixin waayana lacagtaasi la xiro.

Ciidamada Taraafikada Dowladda Somalia ee Muqdishu ayaa xiray Isniintii Shalay in ka badan 70 Gaari oo BL ah, kuwaasi oo markii ay bixin waayeen Lacagta lagu soo rogay lagala wareegay Gaadiidkooda.

"Waa dhibaato Cusub oo kusoo korartay Dhibaatooyinkii horey loogu hayay Gaadiidleyda Muqdishu," ayuu yiri Maxa'ed Rashiid Maye.

Maye ayaa sheegay in 10,200 oo Gaari BL ah iyo 9,500 oo u diiwaangashan Iskaashatada Gaadiidleyda Gobolka Banaadir ayaanan intooda badan shaqeynin maanta, sababtoo ah shaqo joojintooda ay uga cabanayaan lacagaha lagu soo rogay.

Ciidamada amniga ayaa xiray saakay Gudoomiyaha Iskaashada Gaadiidleyda gobolka Banaadir Daahir Maxa'uud iyo Nin kale oo isna Gudoomiyaha u ah Iskaashatada Mootooyinka Bajaaj-ka.

Gaadiidleyda ayaa ku eedeeyay Dowladda inay u danaynayso Shirkadda sida gaarka ah loo leeyahay ee Takaful, taasi oo wadata sida ay sheegeen Qorshahan lacagta looga qaadayo Gaadiidka Muqdishu.

Shacabka Muqdishu ayaa saakay la kulmay dhibaato dhanka Gaadiidka ah, maadaama aysan shaqeynin Baabuurta BL-ka ah ee isaga kala gooshi jiray Wadooyinka magaalada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Beesha caalamka oo wadahadallo la yeelatay mucaaradka si loo xalliyo ismari-waaga doorashada

Ka qaybgalka Deni iyo Madoobe ayaa muujinaysa doorka muhiimka ah ee Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka ay ku leeyihiin wadatashiyadan

  • Soomaliya

    18-05-2026

  • 02:18PM

Hubanti la'aan soo wajahday natiijadda doorashaddii Koonfur Galbeed

Musharixiin uu kamid yahay Shariif Xasan ayaa sheegay in aysan aqbalayn natiijo lagu shubtay, xili Lafta-Gareen ciidankiisa duulaan ku yihiin Baydhabo.

  • Soomaliya

    18-05-2026

  • 11:33AM