Gaari ay leedahay AMISOM oo ku gubtay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Mid ka mid ah Gawaarida Ciidnaka Nabad ilalaalinta u jooga Somalia ee AMISOM ayaa ku gubtay  ka soo horjeedka Hotel Afrika oo ku yaalla Nawaaxiga Isgoyska KM4.

Gaarigan ayaa dabku qabsaday xilli uu marayay Jidka mashquulka badan ee KM4, waloow xilligaas uusan ka jirin samxad maadama ay ahayd xilli badi dadku guryahooda u nasniino doonteen.

Gaadiidka Dab damiska Gobolka Banaadir ayaa gaaray goobta, iyagoo ku guulaystay inay bakhtiiyaan dabka Gaarigaas.

Sawirro lagasoo qaaday gaarigaas ayaa muujinayay Qiiq iyo Colaha ka baxaya baabuurka oo yaalla wadada dhexdeeda.

Mid kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda Somalia, ayaa sheegay in baabuurkan uu iskiis u gubtay kadib markii ay maaso ka dhex kacday.

Dad fara badan oo shacab ah ayaa waxa ay soo buux dhaafiyeen goobta uu Gaariga ku gubanayo, balse Ciidamada ayaa shacabka ku amraya in ay ka fogaadaan nawaaxiga uu baabuurku ku gubanayay. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM