Gaari qarax sidey oo lagu qabtey magaalada Muqdishu

Image

MUQDISHO, Feb 28,2015 (GO)- Wararka ka imaanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in gaari ku qarxey wadada sodonka agagaarka dhismaha loo yaqaano NBC.

Ugu yaraan qaraxaan waxaa ku dhintey labo qof oo lagu sheegey iney ahaayeen dadkii saarnaa gaarigaan kadib markii uu ku dhacey darbiga dhisamaha NBC.

Gudoomiyaha degmada Hodan oo saxaafada la hadlay ayaa sheegey in ciidamada dowlada Federaalka ka hortageen qaraxaan.

Magalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo badanaya qaraxyo lala beegsanayo goobaha shacabku isugu yimaado.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM