Gaari walxaha qarxa lagu soo rakibey oo Ceelbuur lagu qabtey

Image

March 25, 2015 (GO)- Ciidamada dowladda ayaa maanta degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud ku qabtey gaari yar oo walxaha qarxa laga soo buuxiyey.

Duqa degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale ayaa sheegay in gaarigan oo noociisu yahay Toyota Surf lala soo qabtey labo nin.

Gaarigan ayaa xilligii la qabaney kusii jeedey deeganka Galhareeri oo kamid ah goobaha weli Al-shabaab ay ka arrimiso.

Labada qof oo ahaa niman dhallinyaro ah waxay ku xiran yihiin saldhigga booliska, halkaasoo saraakiisha laamaha ammaanku su'aalo ku weydiinayaan.

Qabashada gaarigan ayaa kusoo aadeysa xilli magaalo madaxda gobolka Galguduud ee Dhuusomareeb uu ku sugan yahay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM