Gaari walxaha qarxa lagu soo rakibey oo Ceelbuur lagu qabtey

Image

March 25, 2015 (GO)- Ciidamada dowladda ayaa maanta degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud ku qabtey gaari yar oo walxaha qarxa laga soo buuxiyey.

Duqa degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale ayaa sheegay in gaarigan oo noociisu yahay Toyota Surf lala soo qabtey labo nin.

Gaarigan ayaa xilligii la qabaney kusii jeedey deeganka Galhareeri oo kamid ah goobaha weli Al-shabaab ay ka arrimiso.

Labada qof oo ahaa niman dhallinyaro ah waxay ku xiran yihiin saldhigga booliska, halkaasoo saraakiisha laamaha ammaanku su'aalo ku weydiinayaan.

Qabashada gaarigan ayaa kusoo aadeysa xilli magaalo madaxda gobolka Galguduud ee Dhuusomareeb uu ku sugan yahay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM