Gaas iyo Guuleed oo beri ku wajahan magalada Muqdisho

Image

06 December, 2015(GO)- Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa beri ku wajahan magalada Muqdisho, isaga iyo dhigiisa Galmudug Cabdikariin Xuseed Guuleed, ka dib markii lagu guulaystey xiisadii ka taagneyd Gaalkacyo.

Ahmiyada socdaalkooda Muqdisho ayay xogta GO heshey ku sheegaysaa inay ka qayb galayaan shirar looga hadlayo hiigsiga 2016, waxaa sidoo kale ka qayb galaya shirarkaasi madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo RW.Cumar oo weli ku sugan magalada Gaalkacyo.

Puntland iyo Jubbaland ayaa isku raacay in doorashada soo socota lagu saleeyo hab deegaan halka Galmudug iyo Koonfur Galbeed aragtida shacabkooda lagu soo aruuriyayna sheegayso inay ku haboon tahay nidaamka afar dhibac shan.

Balse weli go'aan lagama gaarin habka loo wajahayo doorashada 2016, madaxwaynihii hore Puntland Dr.Cabdiraxmaan Farole ayaa sheegay inaysan macquul ahayn in dib loogu laabto nidaamka ku dhisan tahay dowladda hada jirtaa doorashadana lagu saleeyo hab deegaan.

Shirka lagu wado inuu ka furmo ayaa waxaa wadajir uga qayb galaya madaxda DFS, kuwa mamulada dalka sida Puntland,Gal-Mudug,Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa horay u sheegey inuusan aqoon sanayn dhismaha mamulka Gal-Mudug isla markasna uu ka hor imaanayo dastuurka dalka iyo nidaamkii lagu heshiiyay, hase yeeshee shirka Muqdisho ayay ka wada qayb gali doonaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo ku dhawaaqay bannaanbaxyo toddobaadle ah ilaa Xasan Sheekh ka baxayo Villa Somalia

Dowladda federaalka ayaa si adag u diidday sheegashada mucaaradka ee ah in muddo xileedka madaxweynaha uu dhammaaday.

  • Soomaliya

    20-05-2026

  • 07:47AM

Hal sabab oo loo qaban waayay doorashadda gudoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli siyaasiyiinta mucaaradka ee deegaanada Koonfur Galbeed ay si adag u gacan-seyreen natiijadii hordhaca ahayd.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 12:29PM