Gaas oo ka warbixiyey hawlgallada buuraleyda Galgala

Image

January 6, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo goor dhow shir-jaraa'id ku qabtey xarunta  madaxtooyada ee Garowe ayaa faah faahin ka bixiyey hawlgallo maalmihii u dambeeyey ciidamada ammaanka ee Puntland ka sameeyeen buuraleyda Galgala.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ciidamadu la wareegeen deegaano badan oo horay kooxda Al-shabaab fariisin ugu ahaa ayna kamid yihiin: Madashoon, Guri-xoor, Dhagax dheer, Guri dharkeyn, Guri xiis, Karin Xagarood iyo Din-digle.

Gaas ayaa dhanka kale sheegay in khasaare badan lasoo gaarsiiyey Al-shabaab lagana diley 34 dagaalyahan 17 kalena laga dhaawacay. Ciidanka khasaaraha soo gaarey mar uu ka waramayey wuxuu sheegay  in shan askari geeriyootey afar kalena dhaawac yihiin.

"dagaalkaas cadowga waxaa kaga dhintay 20, waxayna ciidanku ka dhaawaceen 29, ciidamada geesiyada Puntland dagaalkaasi waxaa kaga shahiiday shan askari, waxaana ka dhaawacmay afar askari... ciidanku waxay qabteen qalab tiro badan oo ay lahaayen burcad diimeedka Al-shabaab kana mid ahaayeen raadiyaasha ciidamada, firxadkoodina waxa ay u baxsadeen Gobolada waqooyi ee soomaaliya" ayuu yiri.

Hawlgalka ciidamada Puntland ka sameeyeen buuraleyda Galgala wuxuu bilowday saddex beri kahor markaasoo taariikhdu ku beegnayd January 3, 2015.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo oo u dhexeeyay ciidanka DFS iyo kuwo taabacsan Laftagareen

Laftagareen ayaa xilka laga tuurey 30-kii Maarso 2026, kadib toddobaadyo ay jireen ismariwaayo siyaasadeed iyo isku hor imaadyo militari.

  • Soomaliya

    22-05-2026

  • 11:28AM

Midowga Afrika oo ugu baaqay Xasan Sheekh iyo Mucaaradka in ay dib ugu laabtaan wada-hadallada

Bayaan kasoo baxay guddiga ayaa lagu ammaanay labada dhinac sida ay ugu diyaar garoobeen wada-hadal toos ah.

  • Soomaliya

    22-05-2026

  • 11:08AM