​GALGADUUD: Al Shabaab oo xukunno dil iyo Karbaash isugu jira fulisay

Image

GALHAREERI, Somalia-  Dagaalyahanada kooxda  Al shabaab ee ku sugan gobolka Galgaduud, ayaa xukun dil ah ku fuliyay nin shacab ah, oo ay ku eedeeyeen inuu horey u dilay qof kale.

Ninka la dilay oo lagu magacaabi jiray Saciid Maxamed Faarax ayaa Al shabaab sheegtay in Deegaan hoos taga degmada Galhareeri ku dilay Nin xoola dhaqato ah oo la oran jiray Cilmi Maxamed Sugulle.

Xukunka dilka ah ayaa waxa uu ka dhacay meel Fagaaro ah oo ku yaalla Galhareeri, iyadoo boqolaal qof oo haween iyo carruur ay ku jiraan lagu qasbay inay usoo daashawo tagaan dilka lagu fuliyay eedaysanaha.

Sidoo kale, Al Shabaab ayaa 100 Karbaash/Jeedal ku dhufatay Nin dhalinyaro ah, oo lagu magacaabo Abshir Maxamed Cumar, oo 20 Jir ah, kaasi oo lagu eedeeyay inuu ku kacay ZINO.

Gabar lagu magacaabo Ubax Xasan Muuse, 17 Jir ah oo lagu eedaayay inay la samaysay Abshir Gogol-dhaaf, ayaa lagu xukumay 100 Karbaash, balse xukunkeeda fulintiisa dib loo dhigtay, maadaama ay leedahay uur lix bilood ah, kadibna la sugaayo inta ay ka dhaleyso.

Al shabaab ayaa todobaadkii tagey gacmaha midig ka jaray labo dhalinyaro ah degmada Tiyeglow, ee gobolka Bakool, kuwaasi oo ay sheegeen inay goobta Ganacsi ah ka xadeen lacag gaaraysa 12 Milyan oo Sh.So, una dhigantay 545 Dollar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM