Galmudug “Diyaar ayaan u nahay inaan la hishiino Ahlu-Sunna”

Image

CADAADO, Somalia- War kasoo baxay golaha xukuumadda Galmudug ayaa looga hadlay arrimo ku saabsan dib u hishiisiinta iyaga iyo Ahlu Sunna oo katalisa qaar kamid ah gobollada dhexe.

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo dib u heshiisiinta Galmudug Cismaan Maxamed Cali Socdaal, ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan maamulka Ahlusunna ,islamarkaana diyaar u yihiin inay la heshiiyaan.

Balse, wuxuu diiday in meel hoose laga soo bilaabo dhismaha Galmudug, maadama Ahlu Sunna diidantahay qaabka markii hore wax loo qaybiyay.

Socdaal, ayaa ku baaqay inay ogolyihiin wada-hadal ay ka galaan arrimaha mugdigu ku jiro islamarkaana laga qanciyo walaalahooda gobollada dhexe.

Dowladda Federaalka Somalia, ayuu ugu baaqay inay ka fiirsato arrimaha masiiriga ah ee Galmudug.

Xildhibaanada aqalka sare maamulkaas ugu matala gobollada dhexe ayuu sheegay in looga baahanyahay sidii ay meel u saari lahaayeen matalaadda xukuumadda iyo shacabkooda.

Hadalkan ayaa kusoo aaday xilli magalada Cadaado ay kasocoto qaban qaabada doorashada Madaxweynaha oo la filayo inay dhawacdo dhawaan, kadib markii dib loo dhigay bishii hore.

Maamulka Ahlu Sunna ayaa gacanta ku haya caasumadda Galmudug ee Dhuusa Mareeb.

Dhawaan Madaxweynaha Ahlu Sunna Sheekh Shaakir ayaa tagay magaalada Muqdishu kadib markii uu casuumad ka helay dowladda Federaalka.

Ahlu Sunna ayaa aad u mucaarad sanayd dowladdii hogaaminayay Xasan Sheekh iyagoo ku dhaliilayay inaysan ula dhaqmin sidii maamul ka jira Somalia, waxayna diideen shirar iyo arrimo ay garwadeen ka ahayd wasaaraddii arrimaha gudaha waqtigaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM