Galmudug iyo Ahlu Sunna oo Heshiis ku saxiixday Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa heshiis rasmi ah ku saxiixday maanta magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu soo afjaray Khilaafkii u dhaxeeya labada dhinac.

Heshiis cusub ee awood qeybsiga Galmudug iyo Ahlu Sunna, oo lagu kala saxiixday Villa Soomaaliya ayaa waxaa uu ka kooban yahay 14 qodobo, kuwaasi oo uu kamid yahay in hogaamiyaha Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir uu noqdo wasiir kowaad ee Galmudug.

Sidoo kale, Ahlu Sunna waxay heshay xilka Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee mamaulka Galmudug iyo xubno kale oo labada Golle ee maamulkaasi loogu darayo.

Madaxweyne Farmaajo, Ra'iisul Wasaare Khayre, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Saciid "Juxa", Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad Cumar, Madaxda maamul goboleedyada dalka, Xildhibaanno katirsana Labada Golle ee Baarlamaanka iyo mas'uuliyiin kale ayaa goobjoog u ahaa saxiixa heshiiska.

Ahlu Sunna ayaa hadda toos uga mid noqotay Galmudug, sida uu dhigayo heshiiskan ay gaareen Madaxweyne Xaaf iyo Sheekh Maxamed Shaakir, kaasi oo yimid kadib wadahadallo toos ah oo ay ku yeesheen magaalada Nairobi iyo dalka Jabuuti.

IGAD ayaa dhex-dhexaadisay Galmudug iyo Ahlu Sunna, oo mudo khilaafkooda uu soo jiitamayay, kadib markii dowlaladda Federaalka hadda jirta iyo midii Xasan Sheekh ay ku guul-dareysteen inay heshiis dhex-dhigaan labadan maamul ee loolanka u dhaxeeyay.

Hoos ka akhri Heshiiska:

GARAOWE ONLINE

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM