Maxaa kusoo kordhay dagaalka degmada Guriceel?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaalka magaaladda Guriceel ka billowday Maanta, kaasoo u dhaxeeya Ciidamo katirsan kuwa dowladda oo kaabaya askarta Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Gudoomiyahii horey looga saarey degmada Anas Cabdi ayaa u sheegay Radio Muqdisho in lala wareegay Guriceel, iyadoo aysan Ciidanka la kulmin wax iska caabin ah kadib markii sida uu sheegay Ahlu Sunna ka baxday.

Dhanka kale, illo madaxbanaan ayaa sheegay in magaaladda wali ay joogaan dagaalyahanada Ahlu Sunna, islamarkaana ay fadhiyaan Ciidanka duleedka degmada, waxaana jirta xaalad cabsi ah inuu dib u billowdo dagaal kale.

UNOCHA ayaa sheegtay in dad badan oo shacab ah oo lagu qiyaasay 100,440 qof ay ka barakaceen magaaladda maalihii ugu dambeeyay, waxayna dhibaato bini'aadanimo ku haysataa tuulooyinkii ay tagaan oo horey abaar uga jirtay.

Galmudug ayaa lugaha la gashay dagaal, kaasoo saameyn kara doorashadda Gollaha Shacabka ee lagu wada inay dhawaan dalka ka billaabato, iyadoo xaaladda hadda taagan ay keeni karto in Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb lagu qaban waayo.

Ahlu Sunna oo mudoo ku dhaw labo sano ka maqnayn Galmudug ayaa soo laabashadeeda kusoo beegtay xili doorasho, iyagoo la sheegay inay raadinayaan kuraas baarlamaan, waxayna ku gorgortamayaan magaalooyinka ay haystaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM