Galmudug: Nin kufsadey gabar 6-jir ah oo xukun lagu riday

Image
Maxamed Cabdi Dhoore ayaa la sheegay in uu maxkamada ka hor-qirtey dambiga lagu soo oogay.

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Maxkamada gobolka Galgaduud ayaa Arbacada maanta ah waxay xukun ku riday nin lagu eedeeyay in uu kufsi iyo afduub u geystay gabar yar Bishii 19-ka bishii sideed 2021.

Maxamed Cabdi Dhoore ayaa lagu xukumay shan sano xabsi ah iyo laba halaad geel ah oo ah magta Farxiyo Cali Maxamed, 6-sano jir kadib markii uu maxkamada ka hor-qirtay dambiga lagu soo eedeeyay.

Cabdixakiim Maxamed Xersi, xeer-ilaaliye ku xigeenka Galmudug, ayaa xeer-beegtada u sheegay in Dhoore uu bigra-jebiyey gabdhaha "isla markaana shahwadiisa uu ku daadiyey surwaalkeeda".

"Gabadha waa ilmo yar oo saqiir ah ma garato waxaas xataa hadii la dhihi lahaa iyaddaa isku sameysay dareenkii iyo caqligii ay ku sameyn lahayd malahan. Dhoore ayaa mas'uul ka ah," ayuu Xersi tibaaxay.

Axmed Salaad Kulane, garsooraha maxkamada Galgaduud oo xukunka ku dhawaaqay, ayaa tibaaxay in uu go'aankan qaatay ka gedaal markii uu ku qancay caddeymaha loosoo gudbiyey oo qiraalka kamid yahay.

"Maxkamada waxaa u cadaatay in Dhoore yahay dambiile galay dambiga lagu soo oogay. Ciddii aan ku qanacsaneyn xukunka waxaa u furan rafcaan 30 maalmood ah," ayuu Kulane hadalkiisa kusoo afray hadalkiisa.

Kufsiga ayaa kamid ah dhibaatooyinka haweenka Soomaaliyeed sida maalinlaha ah u soo gaara, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, oo tibaaxdey in kiisaska lasoo wariyo ay ka tiro badan yihiin kuwa la daboolo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM