Galmudug oo dardargelineysa dhismaha goleyaasha degaanka

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor’ ayaa soo dhaweeyay doorashada Guddoonka Degmada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa soo dhaweeyay doorashooyinkii Golaha deegaanka iyo Guddoonka Degmada Gaalkacyo oo maalmihii danbe si isdaba joog ah uga dhacay Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

“Reer Galkacyo waa ku mahadyihiin sida hufnaanta, daahfurnaanta iyo dimoqraadiyadda leh oo ay uga qeyb qaateen dhismaha golaha deegaanka & doorashada guddoonka degmada. Waxaan rajeynayaa in degmooyinka kale ku dayan doonan Gaalkacyo” ayuu yiri Madaxweyne Md. Qoorqoor.

Madaxweynaha ayaa hambalyo u diray guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka Degmada Gaalkacyo oo ku guuleystay doorashadii maanta oo u dhacday si xor iyo xalaal ah.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay wasaaradda Arrimaha Gudaha, federaalka iyo Dib uheshiisiinta oo suura gelisay dhismaha golaha deegaanka iyo doorashada guddoonka Galkacyo.

Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa wuxuu ku dhiirogeliyay wasaaradda in ay dardar-geliso dhismaha golayaasha deegaanka dhamaan degmooyinka kale ee Galmudug ee dhiman.

GO + Madaxtooyada Galmudug

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM