Galmudug oo gacanta ku dhigtay baabuur qarax siday

Image

CADAADO, Somalia- Ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Somalia, ee ku sugan deegaanada Galmudug ayaa maanta duleedka magaalada Cadaado ku qabtay baabuur lagasoo buuxiyay walxaha Qarxa kaasoo qaab qarsood ah la doonayay in lagusoo galiyo magaalada.

Labo nin oo baabuurkaas watay ayaa sidoo kale gacanta lagusoo dhigay, waxaana ku socda baaritaano ku aadan halka Qaraxa laga keenay iyo  bartilmaameedku meesha uu ahaa.

Guddoomiyaha Barlamanka Galmudug iyo mas'uuliyiin katirsan maamulkaas ayaa gaaray goobta lagu qabtay baabuurkan iyo ragga watay, waxayna usoo bandhigeen saxaafadda.

Cali Gacal Casar, Guddoomiyaha Barlamanka maamulkaas, ayaa sheegay in baabuurka ay qaraxyada ka buuxeen la doonayo in lagu fuliyo qaraxyo ka dhan ah dadka shacabka.

Wuxuu ku eedeeyay tallaabadan ururka Al Shabaab, isagoo sheegay inay u taaganyihiin dhibaataynta shacabka Somaliyeed ee iminka la daalaa dhacaya abaaraha.

Gacal ayaa intaas ku daray inay jiraan baabuur kale oo ciidamada amnigu ku raad-joogaan, wuxuuna shacabka uga mahad-celiyay sida ay ula shaqaynayaan hay'adda nabad-galyada.

Qorshaha lagu qabtay gaarigan ayuu xusay inuu socday muddo 48 saac, kadib markii ay heleen xogo ku aadan in ururka Al Shabaab baabuur miinaysan usoo direen degmada Cadaado.

Dhinaca kale warar madax-bannaan ayaa sheegaya inuu jiro ruux saddexaad oo la socday ragga la qabtay, balse laammaha ammaanku ku raad-joogaan.

Arrintan ayaa timid xilli magaalada Cadaado uu kasocdo loollanka loogu jiro xilka Madaxweynaha iyo qaban-qaabada doorashada, inkastoo RW Xasan Cali Khayre uu codsaday in dib loo dhigo sababo ay kamid tahay abaaraha ka jira waddanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM oo Xasan Sheekh la wadaagtay istaraatijiyadda cusub ee dagaalka Al-Shabaab

Gen. Anderson ayaa Madaxweynaha la wadaagay istaraatijiyadda cusub ee AFRICOM ee la dagaallanka Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    04-09-2025

  • 01:14PM

Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu Ciidanka Qaranka u adeegsanayo caburinta mucaaradka

Si kastaba, Garowe Online si madax bannaan uma xaqiijin karto tirada ciidamada la sheegay in la geeyay Muqdisho.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:36PM