​Galmudug oo ka hadashay wasiirro ku dhintay shil gaari

Image

CADAADO, Somalia- Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, ayaa maanta ka hadlay shil gaari sababay dhimashada labo wasiiru-dowle iyo nabadoon kuwaasi oo dhintay shalay galinkii dambe xilli ay kusii jeedeen degmada Cadaado ee xarunta u ah maamulkaasi.

Wasiirrada dhintay ayaa kala ahaa Wasiiru-dowladaha Howlaha Guud Aweys Cali Siciid, Wasiiru dowladaha Maaliyada Axmed Cabdillaahi Diiriye Baashe, Nabadoon Cabdullaahi Yuusuf Guuleed iyo nin ilaalo u ahaa, waxaana shilkan yimid kadib markii uu baxay daayar gaariguna xawaare sare ku socday.

Madaxweyne ku-xigeenka maamulkaasi ayaa tacsi u diray dhammaan ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxeen wuxuuna ALLE uga baryay inuu jannadii ka waraabiyo.

Aas qaran ayaa lagu wadaa in loogu sameeyo degmada Cadaado, waxaana ka qayb gali doona mas'uuliyiinta maamulka Galmudug.

Shilkan ayaa ka dhacay deegaanka Bandiiradley, wuxuuna dhacay xilli jidka Isku xira Galkacyo iyo Cadaado bur-bur xooggan ka muuqdo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM