​Galmudug oo kasoo horjeesatay xubno Aqalka sare loogu daray Puntland

Image

CADAADO, Somalia- Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed oo maanta ka hadlayay soo dhaweyn loogu sameeyay magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah maamulkaasi ayaa ka hadlay maxsuulkii kasoo baxay shirkii madasha ee shalay lagusoo afmeeray magaalada Muqdishu.

Guuleed ayaa sheegay inuusan shirkaasi ka qayb galin arrimo caafimaad owgeed balse u tageen wafdi uu hogaaminayo ku-xigeenkiisa, wuxuuna dhaliilay qaabka loo qaybiyay xubnaha Aqalka sare gaar ahaan labada Xubnood ee loogu daray Puntland.

“Waxaa rabaa inaan ka hadlo arrimaha siyaasada, dalka waxaa ku soo fool leh doorashooyin iyo is bedel dhinaca siyaasada, Galmudug xubno fir fircoon ayay ka tahay arrimahaas, dhamaan shirarkii madasha si dhameystiran ayaa uga qeyb galnay, laakiin go’aanadii shirkii Madasha ee ugu dambeeyay qodobka ku saabsan in labo xubnood oo dheeri ah loogu kordhiyo Puntland, arrintaas hadaa nahay reer Galmudug ma waafaqsani,”Ayuu yiri Cabdikariim Guuleed.

Cabdikariim, ayaa sidoo kale carrabka ku dhuftay in maamulkiisa xubin fir-fircoon ka ahaa hannaanka looga gudbayo marxaladda kala guurka ah, wuxuuna ku baaqay in maamullada si siman wax loogu qaybiyo.

War-murtiyeedka ayaa qeexayay in saddex xubnood laga jaro Somaliland islamarkaana la siiyo dadka deggan gobollada Sanaag Bari, Sool iyo degmada Buuhoodle inkastoo markii dambe maamulka fadhigiisu yahay Hargaysa loogu daray labo xubnood taasoo wadarta Aqalka sare ka dhigaysa 58 halka markii hore ahaa 54.

Wuxuu soo hadal qaaday ciidamo si gaar ah u tabo-baran oo dhawaan soo gaaray Galkacyo gaar ahaan dhinaca Galmudug, wuxuuna sheegay inaan wax latashi ah lagala samayn arrintaasi isagoo carrabka ku dhuftay inay muhiimad tahay in qorsha kasta lagala soo xiriiro cidda ay khusayso.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay doonayeen xubno xiriir la leh ururka Al Shabaab kuwaasoo ku sugnaa deegaanada Galmudug, waxayna sameeyeen howlgallo gaar ah sida ay sheegayaan ilo wareedyo madax-bannaan.

Cabadashada madaxweynaha Galmudug ayaa kusoo aadaysa xilli murashaxiinta xilkan madaxweynaha u taagan qabtood kasoo horjeesteen waqti kordhinta iyo hannaanka loo marayo doorashada kaasoo ay ku tilmaameen mid aan la isku hallayn karin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cali Balcad: Madaxweynaha wuxuu shir la yeelan doonaa madaxdii hore ee dalka

Shirkan ayaa loo arkaa mid fure u noqon kara yareynta kala fogaanshaha siyaasadeed iyo dhisidda hannaan loo dhan yahay oo lagu wajahayo marxaladda kala guurka ah.

  • Soomaliya

    25-05-2025

  • 11:19AM

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM