Galmudug oo sheegtay in ay dishay xubno Al-Shabaab ahaa

Image
Tani ayaa kusoo beegmeysa xili ay xoojiyeen howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobolada dhexe.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Galmudug ayaa sheegay in ay dileen 17 ka tirsan Al-Shabaab oo isku dayay in ay weerar ku qaadaan deegaan ka tirsan gobolkaasi, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.

Saraakiisha ammaanka oo la hadlay Telefishinka Qaranka ayaa daaha ka rogay in raggaasi la dilay, ka dib markii ay isku dayeen inay qabsadaan degaanka Baxdo ee Bartamaha Soomaaliya.

"Ciidanka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa iska caabiyay weerar ay Al-Shabaab ku soo qaadeen magaalada Baxdo, waxaana lagu dilay 17 ka mid ah argagixisada saacadihii hore ee Jimcaha," ayuu yiri Telefishinka.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan weerarkan oo illaa haatan kasoo baxay dhinaca maleyshiyadda gacansaarka la leh xoogaga argagixisadda ah ee Al-Qaacida.

Tani ayaa kusoo beegmeysa xili ay xoojiyeen howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolada dhexe iyo koonfurta halkaasi oo ay kawadaan ciidamada deegaano iyo tuulooyin hoostaga degmadaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo calaamadeysay saldhigyo ay dejin doonto Ciidamada ay usoo dirayso Soomaaliya

Saldhigyadan waxaa ku yaallaan magaalooyinka Balcad, Jowhar, Burane iyo Mahaday, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 12:05PM

Puntland oo diiday nidaamka cusub ee E-Visa, kuna eedeysay DFS faragelin sharci-darro ah

Maamulka Puntland wuxuu si joogto ah u difaacay madaxbannaanida uu ku leeyahay maamulka gudaha ee kaabayaashooda muhiimka ah.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 06:27AM