Galmudug oo walaac ka muujisay safarka Khayre ee Garacad

Image

CADAADO- Wasiir ku xigeenka Tamarta dowlad goboleedka Galmudug, Maxamed Nuur Diini ayaa shaaca ka qaaday in maamulkiisu aad uga walaac-san yahay booqashadda Ra'iisul Wasaare Khayre ku joogo deegaanada Puntland.

Si gaar ah ayuu Wasiirka farta ugu fiiqay socdaal la qor-shaynayo in Xasan Khayre ku tago tuuladda Garacad oo ku taala duleedka Bari ee bartamaha gobolka Mudug, Kana mid ah degaanadda hoos-yimaada Puntland.

 "Waan haynaa xogta safarka Khayre iyo ujeedkooda. Waxaana ka qabnaa walaac badan, maxaa yeelay iyadoo aan ognahay in dhawaan la dhagax-dhhigay Dekadda Hobyo oo ka qadiimisan mida Garacad. Marka waxaan ka gudbin doonaa Cabasho," ayuu yiri Wasiirka Tamarta Galmudug.

Wasiirkaan ayaa ku nuux-nuux saday in Dowladda Federaalka iyo Ra'iisul Wasaare Khayre aysan gabi ahaanba ka tallo gelin talaabadda lagu dhex-dhigayo Dekadda Garacad, inkasta oo uu ku adkeystay in-aanu kasoo horjeedin gabi ahaanba horumarka Puntland.

"Puntland waa dad walaalaheena ah. Kama soo horjeedno horumarkooda. Laakiin, waxaa walwal nagu hayo in labadda dekadood ay yihiin kuwa isku dhow, iyo in dalalka Khaliijka ay raadinayaa dekado ay maal-geshadaan," ayuu hadalkiisa kusii daray.

Warsidaha Garowe Online ayaa horey u baahiyey u baahiyay xogta ah in Madaxweyne Gaas qorsheynayo in booqashada Khayre ee Puntland kaga faa’ideyato munaasabad lagu Dhagax dhigayo dekad la sheegey in laga dhisayo tuulada Garacad ee ku taal gobolka Mudug.

Waxaa jira warar sheegaya in RW Khayre ka cududaartey tagista Garacad kadib markii Uu arkay siyaasadaha ku wareegsan booqashadisa Garacad.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa booqasho uu horey ugu tagey maamulka Galmudug ayaa waxaa uu Dhagax dhig ku sameeyey dekad la damacsan yahay in laga dhiso degmada Hobyo.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM