Galmudug oo walaac ka muujisay safarka Khayre ee Garacad

Image

CADAADO- Wasiir ku xigeenka Tamarta dowlad goboleedka Galmudug, Maxamed Nuur Diini ayaa shaaca ka qaaday in maamulkiisu aad uga walaac-san yahay booqashadda Ra'iisul Wasaare Khayre ku joogo deegaanada Puntland.

Si gaar ah ayuu Wasiirka farta ugu fiiqay socdaal la qor-shaynayo in Xasan Khayre ku tago tuuladda Garacad oo ku taala duleedka Bari ee bartamaha gobolka Mudug, Kana mid ah degaanadda hoos-yimaada Puntland.

 "Waan haynaa xogta safarka Khayre iyo ujeedkooda. Waxaana ka qabnaa walaac badan, maxaa yeelay iyadoo aan ognahay in dhawaan la dhagax-dhhigay Dekadda Hobyo oo ka qadiimisan mida Garacad. Marka waxaan ka gudbin doonaa Cabasho," ayuu yiri Wasiirka Tamarta Galmudug.

Wasiirkaan ayaa ku nuux-nuux saday in Dowladda Federaalka iyo Ra'iisul Wasaare Khayre aysan gabi ahaanba ka tallo gelin talaabadda lagu dhex-dhigayo Dekadda Garacad, inkasta oo uu ku adkeystay in-aanu kasoo horjeedin gabi ahaanba horumarka Puntland.

"Puntland waa dad walaalaheena ah. Kama soo horjeedno horumarkooda. Laakiin, waxaa walwal nagu hayo in labadda dekadood ay yihiin kuwa isku dhow, iyo in dalalka Khaliijka ay raadinayaa dekado ay maal-geshadaan," ayuu hadalkiisa kusii daray.

Warsidaha Garowe Online ayaa horey u baahiyey u baahiyay xogta ah in Madaxweyne Gaas qorsheynayo in booqashada Khayre ee Puntland kaga faa’ideyato munaasabad lagu Dhagax dhigayo dekad la sheegey in laga dhisayo tuulada Garacad ee ku taal gobolka Mudug.

Waxaa jira warar sheegaya in RW Khayre ka cududaartey tagista Garacad kadib markii Uu arkay siyaasadaha ku wareegsan booqashadisa Garacad.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa booqasho uu horey ugu tagey maamulka Galmudug ayaa waxaa uu Dhagax dhig ku sameeyey dekad la damacsan yahay in laga dhiso degmada Hobyo.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo ku ballansan Shirka ka dhacaya Xalane

Wakiillada beesha caalamka iyo diblomaasiyiin sar-sare ayaa soo dhex-galay dhinacyada si ay u fududeeyaan is-fahamka.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 05:09PM

Mareykanka oo uga Digay Dowladda Soomaaliya in Awood loo Adeegsado Dibad-baxayaasha

Dhanka kale, laamaha amniga ayaa ku doodaya inay ka hortagayaan kooxo raba inay qalqal geliyaan nabadgelyada caasimadda.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 09:33AM