Galmudug oo xukun ku riday Muwaadiniin u dhashay Yemen

Image

CADAADO, Soomaaliya - Maxkamad ku taalla Galmudug ayaa sheegtay inay xukun ku riday muwaadiniin u dhashay dalka Yemen, kuwaasi oo lagu helay inay si sharci darro ah uga kalluumaysteen xeebaha maamulkaasi.

Raggan oo kala ah Cabdiraxmaan Cali Saciid, 25 jir, Cabdalla Saalim Cabdalla, 40 jir, Maxamed Saalim Cali, 35 jir, ayaa lagu xukumay min laba sano oo xabsi ah iyo min Laba Kun oo Dollar-ka Mareykanka.

Saddexda qof ayaa waxay shaqaale ka ahaayeen dooni lagu magacaabo Al-Ikhlaas One, taasi oo Maxkamada ku xukuntay ganaax lacageed oo dhan 50 Kun oo Doolarka Mareykanka.

Kaaliyaha Maxkamadda Gobolka Mudug ee dhanka maamulka Galmudug Maxamed Jaamac Diirshe ayaa ku dhawaaqay xukunka Maxkamada, kadib markii uu Shir Jaraa'id kuu qabtey magaalada Cadaado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM