Ganacsade caan ahaa oo Beledweyn lagu diley

Image

February 17, 2015 (GO)- Gacansade caan ahaa oo lagu magacaabi jirey Xaaji Cumar Maxamed Nuur (Quuraw) ayaa maanta lagu diley degmada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.

Labo nin oo bistoolado ku hubaysnaa ayaa lagu so waramayaa inay ganacsadaha dilleen waxyar kadib markii uu ka baxay gurigiisa.

Weerarka waxaa sidoo kale ku geeriyoodey nin dhallinyaro ah oo Xaaji Quuraw  ilaalo u ahaa.

Goobta dilku ka dhacay daqiiqado kadib  waxaa soo gaarey ciidamada dowladda iyagoo sameeyey baaritaan muddo kooban socdey islamarkaana dhowr qof xirey.

Xaaji Cumar Maxamed Nuur (Quuraw) ayaa kamid ahaa ganacsatada sida weyn looga tixgeliyo Beledweyn, wuxuu sidoo kale kamid ahaa waxgaradka gobolka ee nabadda iyo xasiloonida aadka uga shaqeeya.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM