Ganacsade horay uga tirsanaan jirey Ahlu Sunna oo Muqdisho lagu idley

Image

May 4, 2015 (GO)- Nin ganacsade ah oo horay uga soo mid noqdey saraakiisha ururka Ahlu Sunna ayaa gelinkii dambe ee shalay lagu diley suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Ganacsadahan oo lagu magacaabi jirey Maxamed Shidane kuna magac dheeraa Daqarre waxaa toogtey labo nin oo bislootado ku hubeysnaa kuwaasoo durbadiiba goobta ka baxsadey.

Shidane oo muddooyinkii u dambeeyey ku noolaa dalka Koonfur Afrika, wuxuu kamid mid ahaa saraakiisha Ahlusuna ee sanadkii 2008  dagaalka la gashay Al-Shabaab, isagoo mar soo noqdey taliyaha ciidamada ammaanka ee degmada Guriceel.

Xalay ayey ahayd markii sidan oo kale magaalada Bosaso loogu diley sarkaal ka tirsanaa ciidamada ammaanka oo lagu magacaabi jirey Maxamuud Axmed Dheere.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM