​Ganacsade lagu dilay magaalada Laascaano

Image

LAASCAANO, Somalia- Koox ku hubaysnaa Bastoolado ayaa caawa magaalada Laascaano xarunta gobolka Sool ku weeraray niman ganacsato ah, waxaana geeriyooda mid kamid ah sida ay noo xaqiijiyeen goob joogayaal ku sugnaa degmada.

Weerarka oo dhacay salaaddi cishaha kadib ayaa lala eegtay sarkaal sare oo katirsanaa Shirkadda Dahabshiil ee gobolka Banaadir kaasoo booqasho ugu yimid qoyskiisa oo halkaasi ku sugan.

Ninka dhintay ayaa lagu magacaabaa Maxamed Xirsi Yusuf, oo ahaa ganacsatada sida aadka ah looga yaqaano degmadaasi.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay, mas'uuliyadda weerarkaasi oo ka dhacay nawaaxiga masaajidka Jaamaca ee Laascaano.

Ciidamada ammaanka ayaa falkaasi kadib goobta soo gaaray, waxayna sameeyeen baaritaano kala duwan.

Ilaa hadda wax war ah kama soo bixin ciidamada maamulka degmada iyo saraakiisha amniga.

Weerarkan ayaa yimid Bil uu kadib markii weerar lagu qaaday Guddoomiyaha ganacsatada gobolkaasi Cabdirasaaq Dhabayaco kaasoo iminka lagu dabiibayo dalka Turkiga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maraykanka oo Sheegay In Uusan Wadahadallo Kula Jirin Somaliland Si Loo Aqoonsado

Madaxweyne Trump ayaa dhawaan mar kale muujiyay xiisaha uu u qabo arrimaha amniga ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-08-2025

  • 05:02PM

Kenya oo Dhex-dhexaadinaysa Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe

Khilaafkan siyaasadeed wuxuu imaanayaa xilli uu muran xooggan ka taagan yahay wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    28-08-2025

  • 01:02PM