Ganacsato Somali ah oo lagu diley dalka Koonfur Afrika

Image

JIMCE, Jan 16,2015 [GO]- Sadex ganacsato Somali ah ayaa xaley lagu diley wadanka Koonfur Afrika kadib markii weerar loo adeegsadey Rasaas iyo Baangad lala beegsadey.

Ganacsatadaan Sadexda ah ayaa AHN waxaa magacyadooda kala ahaayeen Cabdulahi Maxamad Axamad, Cawil Nuur Cali, Cabdulahi Maxamad Shamaaqul.

Labo kamid ah ganacsatada la diley AHN ayaa waxaa loogu soo galey dukaankooda waxaana lala beegsadey Rasaas halka Cabdulahi Maxamad Shamaaqul laga kexeystey halkii uu ku lahaa meharadiisa kadibna lagu garaacey Baangad.

Dalk Koonfur Afrika ayaa waxaa dagan ganacsato badan oo Somali ah kuwaasoo dadka u dhashey dalkaas la beegsadeen dilal kala duwan.

Dadka Somalida ayaa dukaanada ganacsiga  ah ka furta dhulka tuulooyinka ee ka fog magaaloyinka waaweyn iyadoo Booliska dalkaas gacan ka gaysan ilaalinta naftooda iyo hantidooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM