Ganacsiga Baledweyne oo istaagay kaddib qiima dhac ku yimid Shilin Soomaaliga

Image

Ganacsiga Baledweyne oo istaagay kaddib qiima dhac ku yimid Shilin Soomaaliga.

Dibadbaxyo ayaa saaka ka dhacay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kadib markii uu istaagay ganacsiga magaaladaasi. 

Ganacsiga ayaa istaagay kadib markii uu qiimo dhac ku yimid lacagta shilinka Soomaaliga oo markii hore boqolka dollar lagu sarifi jiray labo milyan iyo labo boqol oo kun, balse saaka ayaa waxa lagu sarifayay boqolka dollar sedex milyan iyo sedex boqol oo kun oo shilin Soomaali ah taasoo keentay in ganacsatadu diidaan in ay qaataan lacagta shilin Soomaaliga iyagoo wax ku iibinayay dollar oo kaliya. 

Maamulka gobolka ayaa amar ka soo saaray qiime dhaca ku yimid shilinka Soomaaliga iyagoo ku amray sariflayaasha in halkiisii hore lagu celiyo. 

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa taleefanka Baledweyne kula hadlay duqa magaaladaasi Cumar Adan Ibrahim (Cumar Badiyow) wuxuuna marka hore weydiiyay amarada ay soo saareen.

BBC

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM