Xaaf oo Xayiraadda ka qaadey Garoonka Cadaado

Image

CADAADO, Soomaaliya - Waxaa maanta dib u shaqo billaabey Garoonka Diyaaradaha magaalada Cadaado, oo 4 maalmood kahor xayiraad kusoo rogay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Haaf.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawadda Galmudug Cabdullaahi Cali Maxamed ayaa shaaciyay in Madaxweyne Xaaf uu fasaxay Adeegyadii Garoonka, iyadoo ay soo dagi karaan dhamaan duulimaadka.

Arintan ayaa ka dambeeyay Odayaasha dhaqanka iyo Waxgaradka Cadaado ayaa ka codsadeen Madaxweynaha in uu fasaxo shaqada Garoonka, kadib kulan Shalay ay ku yeesheen Magaalada.

Galmudug ayaa wali ku jirta Xaalad deg deg ah, oo socon doonto mudo 3 bilood ah, taasi oo dhaqan gashay maalintii shalay, waxaana go'aankaasi soo saarey Madaxweyne Xaaf.

Waxaa wali jira Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Sare, ee Galmudug, oo ka dhashay Go'aankii Xaaf uu ku taageeraay Xulufada Sacuudiga, kaasi oo sababay in maamulka galo jahwareer kale.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM