Garsooriyaasha Maxkamadaha oo xilka qaadis loogu hanjabey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliya, Baashe Yuusuf Axmed ayaa uga digay Garsooriyaasha inay ku dhaqmaan cadaalad darro, oo cidii lagu helo falkaasi la kulmi doonto cawaaqib aan la mahdin.

Baashe ayaa ugu goodiyay Garsoorihii lagu helo caddeymo ku saabsan inuu cadaalad daro wax ku xukumo xilka laga qaadi doono, sidoo kalena uu xabsi muteysan doono.

Wuxuu intaas ku daray in Garsoorka uusan ahayn wax lacag laga sameeyo, balse uu yahay mid Shacabka loogu adeego oo cadaalad loogu sameeyo, hadii taasi laga waayo, ayuu tilmaamay Gudoomiyaha in aysan jiraynin nabad iyo amaan.

"Hadii aad tahay Garsoore u yimid maxkamadda inuu lacag ka sameeyo dib isaga laabo, Garsoorku ma ahan sidaasi. Waa meel bulshadda loogu cadaalad fallo, Garsoorihii cadaallo darro wax ku xukumaa xilkiisa ayuu weyn doonaa," ayuu yiri Baashe.

Hadalka Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Talaadadii lasoodhaafay laga her-geliyay Muqdisho qalab la sheegay inuu Casri yahay, islamarkaana lagula soconayo dhaqdhaqaaqyadda Maxkamadaha dalka.

Wasiirka Cadaaaladda Soomaaliya, Xasan Xuseen Xaaji iyo Gudoomiyaha Maxkamadda sare, Baashe Yuusuf Axmed ayaa si wadajir ah u daah-furay mashruuca lagu her-gelinayo barnaamijkan, kaasoo la sheegay inuu wax badan soo kordhin doono.

Garsoorka dalka Soomaaliya ayaa tan iyo burburkii dowladii dhexe sanadkii 1991-dii waxaa lagu eedeeyaa inuusan ahayn heerkii looga baahnaa, balse, qalabkaan cusub ayaa waxaa laga dhursugayaa isbedelka uu sameyn doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo ku ballansan Shirka ka dhacaya Xalane

Wakiillada beesha caalamka iyo diblomaasiyiin sar-sare ayaa soo dhex-galay dhinacyada si ay u fududeeyaan is-fahamka.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 05:09PM

Mareykanka oo uga Digay Dowladda Soomaaliya in Awood loo Adeegsado Dibad-baxayaasha

Dhanka kale, laamaha amniga ayaa ku doodaya inay ka hortagayaan kooxo raba inay qalqal geliyaan nabadgelyada caasimadda.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 09:33AM