Geelle: Hanaanka boobka ah waa kelitalisnimo la dhisayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Murashax madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle oo adkeeyay in doorashooyinka soo aadan ay waqtigooda ugu dhacaan hab daahfuran ayaa kadigay boob doorasho taasoo sababi karta "kelitalisnimo".

Wasiirkii hore ee warfaafinta dowlada federaalka ah ayaa kamid ah murashaxiin tiradoodu tahay 12 kuwaas oo shir ay ku yeesheen Muqdisho kasoo saarey bayaan ay uga qaylo-dhaamiyeen guddiyada doorashadaee magacaaban.

"Maya gacan ka hadal, maya boob. Labadaas natiijo in ay meesha kabaxaan ayaan dooneynaa. Labashey waa khatar – kelitaslinimo miciyeysaneysa in dalka lagu siidaayo; waajibkaas waxaan u dayneynaa dowladda," ayuu yiri.

Daahir ayaa ku daray: "Hanaanka boobka ah waa kelitalisnimo la dhisayo, kelitalisnimo in la dhisana dalka dani ugu jirto – dhistaha dani uguma jirto, lagu kordhisanaha dani uguma jirto – marar badana waan sheegnay".

Safiirkii hore ee Soomaaliya ufadhiyey Sacuudi Carabiya oo Isniintii shalay war-fidiyeenka ugu waramay magaala madaxda Muqdisho ayaa xusuuiyey Farmaajo in uu horey u balanqaadey in uusan afar sano kale tartami doonin.

"Marabo madaxweynaheena in aan niraahno madaxweynow ma nasaneysid? laakiin warku kii waa ka gadisan-yahay. Intaas waxaa ka gadisan doorasho markaa u baahantahay in aad boobtid waa marka aad aaminsantahay dadka aad wax waydiisan rabtid aadan qanacsan karin marka ay xaqiiqadaadu ogaadaan ama aad la hadashid," ayuu tibaaxay Geelle.

Doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 ayaa shaki laga qabaa in ay waqtigeeda ku qabsoomeyso maadaama la isku hayo guddiyadda maamulaya. Khilaafkan wuxuu dib-u-dhac ku keenay jadwalkii lagu madalsanaa muddo laba jeer ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM