Geelle: " hanjabaadaha Al-shabab saameyn weyn yeelan mayaan"

Image

February 24, 2015 (GO)- Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay hanjabaadihii kasoo yeeray ururka Al-shabaab ee la xiriirey inay weerarro ka geysan doonaan dalalka reer galbeedka.

Geelle oo waraysi gaar ah siiyey laanta afka-Soomaaliga ee idaacadda VOA wuxuu hanjabaadaha Al-shabaab ku tilmaamey kuwo hadal un ku eg balse aan wax saameyn ah oo sidaas u sii weyn yeelan doonin.

Wuxuu sidoo kale sheegay in awoodda Al-shabaab xilligan marayso meeshii ugu dambeysey taasna ay caddeyn u tahay nooca weerarrada ay geysanayaan.

Muuqaal Al-shabaab ka diyaarisey weerarkii Westgate Mall oo maalmo kahor internetka lagu baahiyey ayaa waxaa ku jirey hanjabaado la xiriira in la bartilmaameedsan doono suuqyada waaweyn ee caanka ah ee ku yaalla dalalka Yurub iyo Maraykanka.

Meelaha sida gaarka ah Al-shabaab farta ugu fiiqdey waxaa kamid ah Mall of America oo ku yaalla Minneapolis ee gobolka Minnesota iyo weliba suuqyo kale oo ku yaalla dalalka Britain iyo Canada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM