Jeneraal ciidan oo caawa lagu dilay magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Somaaliya - Dabley hubaysan ayaa caawa fiidkii waxay magaalada Muqdisho, ku dileen Jeneraal ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka Somaaliya, oo lagu magacaabi jiray Cabdulle Qururux.

Dilka Jeneraalka ayaa waxa uu ka dhacay Xaafadda Horseed, ee degmada Waaberi, waxaana gaystay labo dhalinyaro ah, oo ku hubaysan Bastoolado, kuwaasi oo goobta ka baxsaday inta aysan Ciidamada soo gaarin.

Allah ha u naxariistee Cabdulle Qururux wuxuu ahaa Sarkaal howlgab ah, oo soo noqday ku xigaanka Taliyaha Saadka Ciidamada Militariga dalka Somaaliya, balse shaqadaasi goor hore ka fariistay.

Ciidamada amniga oo goobta gaarey, ayaa sameeyay howlgal aan cidna lagu soo qaban.

Al shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda dilka Jeneraalka ciidan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM