General Gaafow walaalkiis oo mar kale la doortay

Image

MUQDISHU, Somalia- Doorashooyin ka dhacay magaalada Muqdishu iyo qaar kamid ah xarumaha maamul goboleedyada Somalia ayaa waxaa kusoo baxay shakhsiyaad kamid ahaa 11 qof ee la diiday doorashadooda kadib markii lagu helay arrimo isugu jira laaluush iyo musuq-maasuq.

Mid kamid ah kuraastaas ayaa doorashadiisu ka dhacday xarunta dalka Somalia ee Muqdishu, waxaana ku tartamayay murashaxiin uu kamid yahay Cabdulqaadir Gaafow oo la dhashay taliyaha NISA, kaasoo lagu eedeeyay in doorasho ka dhacday Cadaado uu adeegsaday xoog.

Cabdulqaadir, wuxuu ka adkaaday murashax lagu magacaabo Zakariye Maxamed Cosoble.

Lama oga sababta keentay in dib mar kale loo doorto, balse waxay kusoo aadaysaa xilli doorashadu ka hartay wax ka yar Asbuuc.

Dhawaan ayay ahayd markii magaalada Garowe lagu doortay Xildhibaan horay loosoo celiyay.

Xildhibaanada inta badan waxaa dooranayay Ergadii horey usoo xushay.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay Guddiyadii soo celiyay mas'uuliyiintaas.

Tallaabada ayaa laga cabsi qabaa inay siyaadiso musuq-maasuqa laga cabsi qabo doorashada Madaxweynaha ee dhici doonta 08 Febreuary, 2017.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo calaamadeysay saldhigyo ay dejin doonto Ciidamada ay usoo dirayso Soomaaliya

Saldhigyadan waxaa ku yaallaan magaalooyinka Balcad, Jowhar, Burane iyo Mahaday, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 12:05PM

Puntland oo diiday nidaamka cusub ee E-Visa, kuna eedeysay DFS faragelin sharci-darro ah

Maamulka Puntland wuxuu si joogto ah u difaacay madaxbannaanida uu ku leeyahay maamulka gudaha ee kaabayaashooda muhiimka ah.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 06:27AM