Golaha Ammaanka oo fariin toos ah u diray maamulka Farmaajo

Image
Dhambaalkan ayaa khuseeya doorashooyinka heer federaal ee waddanka ka bilowday.

NEW YORK, USA - Golaha ammaanka Qaramada Midoobay oo Talaadadii shalay ahayd ka shiray xaalada Soomaaliya ayaa wuxuu baaq kasoo saarey xaalada doorashooyinka isaga oo si gaar ah fariin ugu diray maamulka Farmaajo.

Dhambaalka taliska Farmaajo loo diray waa inuu sare u qaado wadatashiyada ballaaran iyo dhisidda is-afgaradka ahmiyadaha qaranka "iyadoo la adeegsanayo farsamooyin wadatashi oo heer walba ah, iyo labada Aqal ee Baarlamaanka".

Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka ayuu ku booriyey inay abuuraan jawi siyaasadeed iyo amni oo ku habboon doorashooyinka loo dhan yahay ee Soomaaliya oo dhan.

Sidoo kale wuxuu ku waaniyey kobcinta masrxa siyaasada, hubinta doorka xuquuqda xisbiyada siyaasadeed ee sida sharciga ah loo dhisay iyo ilaalinta xuquuqda fikirka xorta ah, ururrada , isu imaatin nabdoon iyo dhaqdhaqaaq.

"Goluhu wuxuu si adag u cambaareeyay weerarada joogtada ah ee Al-Shabaab waxayna ku boorisay mas'uuliyiinta Soomaaliya, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo Qaramada Midoobay inay si dhow uga shaqeeyaan xoojinta amniga xarumaha Qaramada Midoobay iyo kuwa Midowga Afrika iyo shaqaalaha," ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay shirka.

Dhanka kale, goluhu wuxuu muddo kordhin u sameeyay joogitaanka howlgalka Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ee Soomaaliya [UNSOM] kaasoo la gaarsiiyey illaa 23-ka bisha May sanadka nagu soo beegan ee 2022-ka.

"Sidoo kale, Goluhu wuxuu kaloo codsaday in la xoojiyo joogitaankiisa dalka oo dhan maadaama xaaladda ammaanku saamaxeyso," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedkan nuqul kamid ah uu arkay bogga Garowe Online.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM