Golaha guurtida SL oo guddi u saarey waqti kordhinta xukuumadda

Image

HARGEYSA May 3, 2015 (GO)- Golaha guurtida Somaliland oo maanta kulan isugu yimid ayaa guddi u saarey iney go'aan kasoo gaaraan waqtiga loo korhdin karo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Silaanyo.

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo la hadley saxaafadda ayaa sheegey in guddi ka kooban 28 odey loo saarey iney kulamo la qataan xisbiyada mucaaradka.

Guddiga ayaa la sheeegey iney kala tashan doonaan madaxda xisbiyada Kulmiye, UCID iyo Wadani fikirka ay ka qabaan waqti kordhintu inta ay noqon karto.

Dhowaan ayey ahayd markii Guddiga doorashada Somaliland shaaciyey in doorshada la qaban karin waqtiga loogu talagley sababo xagga farsamada ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM