Golaha wadatashiga qaran oo u yeeray Midowga musharixiinta

Image
Golaha Midowga Musharixiinta ayaa dhankooda ka shiray qodobadii miiska latagi lahaayeen.

MUQDISHO, Soomaaliya – Golaha Wadatashiga qaranka ayaa markale u yeeray Midowga Musharixiinta si ay uga wada hadlaan arrimaha Doorashooyinka & Amniga Dalka maadaama ujeedka yahay in waqtiyeeyo jadwalka codaynta iyo in cadeeyo cida masuulka ka ah amniga doorashooyinka dalka.

Ilo ku dhaw Shirka Golaha Wadatashiga qaranka ayaa xaqiijiyay in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda Dowlad-Goboleedyada & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ay isku raaceen in ay dhagaystaan talooyinka midowga Musharixiinta ee ku aadan daah furnaanta doorashooyinka dalka.

Golaha Midowga Musharixiinta ayaa dhankooda ka shiray qodobadii miiska latagi lahaayeen sida uu sarkaal ka tirsan mucaaradka u sheegay GO, waxaana qorshuhu yahay in shirka Golaha Wadatashiga qaranka loo soo gabagabeeyo waqtiga ugu macquulsan warmurtiyeedna laga soo saaro.

Golaha Wadatashiga qaranka oo la kulmay Wakiilo ka kala socda Musharixiinta, Saaxiibada Caalamka, Bulshada Rayidka & Haween u dooda qoondada Dumarka ee Baarlamaanka ayaa dhageystay soo jeedintooda.

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda xilgaarsiinta ah, Madaxda Dowlad-Goboleedyada Jubbaland, Puntland, Galmudug, Koofur Galbeed, Hir-Shabeelle & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa diiradda saaray labada qodob ee ugu muhiimsan shirkooda oo kala ah  Amniga & Jadwaleynta Doorashooyinka.

Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimu oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu shirka heer gabagabo ah gaaray, is fahamka madaxda is hor fadhisa waxa uu ku sifeeyay mid hannaan degen oo is dhageysi ka muuqda uu yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM