Golaha wadatashiga qaran oo u yeeray Midowga musharixiinta

Image
Golaha Midowga Musharixiinta ayaa dhankooda ka shiray qodobadii miiska latagi lahaayeen.

MUQDISHO, Soomaaliya – Golaha Wadatashiga qaranka ayaa markale u yeeray Midowga Musharixiinta si ay uga wada hadlaan arrimaha Doorashooyinka & Amniga Dalka maadaama ujeedka yahay in waqtiyeeyo jadwalka codaynta iyo in cadeeyo cida masuulka ka ah amniga doorashooyinka dalka.

Ilo ku dhaw Shirka Golaha Wadatashiga qaranka ayaa xaqiijiyay in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda Dowlad-Goboleedyada & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ay isku raaceen in ay dhagaystaan talooyinka midowga Musharixiinta ee ku aadan daah furnaanta doorashooyinka dalka.

Golaha Midowga Musharixiinta ayaa dhankooda ka shiray qodobadii miiska latagi lahaayeen sida uu sarkaal ka tirsan mucaaradka u sheegay GO, waxaana qorshuhu yahay in shirka Golaha Wadatashiga qaranka loo soo gabagabeeyo waqtiga ugu macquulsan warmurtiyeedna laga soo saaro.

Golaha Wadatashiga qaranka oo la kulmay Wakiilo ka kala socda Musharixiinta, Saaxiibada Caalamka, Bulshada Rayidka & Haween u dooda qoondada Dumarka ee Baarlamaanka ayaa dhageystay soo jeedintooda.

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda xilgaarsiinta ah, Madaxda Dowlad-Goboleedyada Jubbaland, Puntland, Galmudug, Koofur Galbeed, Hir-Shabeelle & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa diiradda saaray labada qodob ee ugu muhiimsan shirkooda oo kala ah  Amniga & Jadwaleynta Doorashooyinka.

Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimu oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu shirka heer gabagabo ah gaaray, is fahamka madaxda is hor fadhisa waxa uu ku sifeeyay mid hannaan degen oo is dhageysi ka muuqda uu yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM