Gole Sare oo lasoo jeediyey in laga hirgeliyo Soomaaliya

Image
Golahan oo ka koobnaan doona 50 qof ayaa "ku qaban-qaabinaya doorasho muddo laba sano ah".

MUQDISHO, Soomaaliya – Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa baraha bulshadda hareeyay warqaddo soojeedinaya dhismaha Gole Sare si ay dalka u hogaamiyaan haddii ay uu fashilmay geedi-socodka haatan doorashooyinka.

Iyadda oo ay u muuqato in laga soo miin-guuriyey Golaha Sare ee Suudaan, warqadaha ayaa si lamid ah waxay soojeedinayaan in golahan uu ka koobnaan doono 50 xubnood uuna laba sano gudahooda ku diyaarin doono doorasho.

Sida ku xusan warqadaha, golaha wuxuu dooran doonaa madaxwayne aan xubin ka ahayn. Madaxweynaha wuxuu magacaabayaa ra’iisul wasaare isaga oo kasoo dhex-xulanaya wax loogu yeeray "dowlad badbaado qaran".

Mucaaradka ayaa sheegaya in warqadaha aysan ayagu kasoo bixin. Balse, waxay intaas ku darayaan in ay ka rajo-dhigayaan geedi-socodka doorashooyinka ee haatan.

Cabdirisaaq Maxamed, oo xubin ka ahaa baarlamaanka 10aad ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya kana mid ah mucaaradka dowladda, ayaa taageero weyn u muujiyey warqadahan iyo guud ahaan soojeedinta.

"Waa shaqo wanaagsan, haddii Ra’iisul Wasaaruhu ku guul-darraysto inuu hakiyo hannaanka doorashada ee been-abuurka ah, guul-darradiisu maaha oo kaliya inay horseed u noqoto dhismaha golaha balse waxay ku qasbi doontaa CPC inay si degdeg ah u hawl-gasho maalmo gudahood, lana dardar-geliyo geeddi-socodkii lagu dhisi lahaa Golaha Sarre," ayuu ku qoray ciwaankiisa gaarka ah ee Twitter-ka.

Maxamed oo horey u soo noqdey wasiirka amniga xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xubin ka ah xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka kaasoo uu hogaamiyo madaxwaynihii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Hoos ka akhriso qoraalka

Image Image

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya ka hadashay qorshaha Masar ee Ciidamada ku keenayso Soomaaliya

Xiisadda cusub waxay kusoo beegmaysaa xilli uu weli taagan yahay muranka u dhexeeya Masar iyo Itoobiya.

  • Soomaliya

    28-08-2025

  • 11:52AM

Cabdirisaaq Khaliif: Firdhiye wuxuu katirsan yahay xisbiga Xasan Sheikh, DFS ayaana dhisaysa

Cabdirisaaq ayaa si xooggan u beeniyay warar sheegaya in ololihiisa doorashada uu ka helayo taageero maamulada Somaliland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    28-08-2025

  • 08:28AM