Gollaha Shacabka oo ku gacan-sayray codsiga Xeerilaaliyaha

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudiga joogtada ee Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maant asi rasmi ah ugu gacan-sayray soo jeedinta Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir.

Qoraal uu soo saarey Gudiga ayaa looga hor-yimid soo jeedinta Axmed Cali Daahir ee ahaa in xasaanadda laga qaado Labada Xildhibaan ee kala ah Cabdisaabir Nuur Shuuriye iyo Xasan Maclin, kadib markii uu kusoo oogay qiyaanno qaran.

Qaraarka Gudiga joogtada ee ku saabsan xasaanad ka qaadista Xildhibaanada ayaa lagu sheegay in Xeer Ilaaliyaha dalabkiisa uu yahay mid aan sharci ahayn, islamarkaana aan la aqbali karin maadaama eedaha lasoo jeediyay aan loo haynin cadeymo buuxa.

Axmed Cali Daahir ayaa labada Xildhibaano ku eedeeyay inay sameeyeen qiyaanno-qaran, isagoo sidoo kale sheegay inay wadeen abaabulka mooshin xilka looga qaadayo Madaxweyne Farmaajo. Xildhibaanada ayaa iska fogeeyay eedeynta. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mashruuca Qaybinta Timir Gargaar ah oo Si Hab-sami Leh Uga Socda Duleedka Muqdisho, Gobolka Banaadir [SAWIRRO]

Hay’adda Al-Mahasin ee Horumarinta iyo Waxbarashada ayaa muujisay mahadnaq qoto dheer oo ay u jeedisay Xarunta Boqor Salmaan.

  • Soomaliya

    26-09-2025

  • 02:58PM

Wasiirka Amniga oo Digniin Adag u Diray Mucaaradka Xili Banaanbax laga qorsheeyay Muqdisho

“Kuwo afka u furaya argagixisada waxaan leeyahay: Muqdisho waxaa xoog looga saaray Al-Shabaab, waana in taas la fahmaa,” ayuu yiri wasiirku.

  • Soomaliya

    26-09-2025

  • 11:31AM